Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha la doortay ee JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay maanta wakiilka gaarka ah ee Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya Ambassador James Swan.
James Swan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu maanta Muqdisho kula kulmo oo uu si shakhsi ah ugu hambalyeeyo Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka xog wareystay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa.
Xasan iyo Swan ayaa waxay ka wada hadleen sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ay u sii wadi karto taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeeda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com
Xigasho: HalQaran