May 17 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Madaxweynayaasha shanta dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle, Galmudug, Punyland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Kulanka oo ahaa qado uu u sameeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa sidoo kaleHambalyo, Salaan iyo sidii la isaga kaashan lahaa adeegyada dowladeed ee loo hayo Shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahad celiyay Madaxweynayaasha 5-ta dowlad Goboleed, isaga oo ugu baaqay in la xoojiyo wadashaqeynta dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada.
Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeyeey ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh si wadajir ah ula yeesho Madaxda dowlad goboleedyada tan iyo markii xukunka dalka marlabaad loo dhaariyay.
Xigasho: Jowhar