Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Maanta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha ka guddoomay safiirka Itoobiya + Sawirro

March 15, 2023
gudaha Wararka Maanta
60 2
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Muqdisho (Allbanaadir Media) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay safiirka cusub ee dowladda Itoobiya usoo magacowday Soomaaliya, si uu uga shaqeeyo sii xoojinta xiriirka labada dal oo daris.

Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Itoobiya Mudane Mukhtar Mohamed Ware oo lagu so dhaweeyay xarunta madaxtooyada qaranka.

Qaabilaadda kadib danjire Mukhtar Mohamed Ware ayaa madaxeynaha la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde.

Sidoo kale waxa uu uga mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isla-markaana loogu sameeyay xarunta Villa Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood.

Dhankiisa madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Danjire Mukhtar Mohamed Ware xilka safiirnimo ee loo soo magacaabay, isaga oo la wadaagay in dowladda federaalka Soomaaliya ay la shaqeyneyso.

Danjiraha cusub ee Itoobiya ayaa maalmo kahor soo gaaray Muqdisho, waxaana kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Jaamac Cumar (Huruuse) oo ku soo qaabilay xafiiskiisa wasaaradda oo ay ku yeesheen wadahadallo gaar ah.

Wasiir Huruuse ayaa sidoo kale xusay in dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo daris ay ka dhexeeyaan dano badan, sida ammaanka, socdaalka, ganacsiga iyo diblumaasiyadda.

Si kastaba Itoobiya ayaa kamid ah dalalka xiriirka la leh Soomaaliya, waxayna ka qayb-qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna ciidamo ka joogaan Soomaaliya.



Xigasho: Allbanaadir Media

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Maanta

Isniin, Sept 25, 2023-Dowladda Soomaaliya oo walaac ka muujisay saamaynta ka dhalan karta hakinta Midowga Yurub ee taageerada gargaarka dalka

September 25, 2023
Wararka Maanta

Digniin: “Mashiinnada caqliga macmalka leh dhowaan way naga caqli badan doonaan”

September 25, 2023
Wararka Maanta

Somaliland rejects talk of unification with Somalia after Museveni comment

September 25, 2023
Wararka Maanta

Xog la yaab leh oo laga keenay ninkii Somaliland ay u dirsatay Uganda – Allbanaadir

September 25, 2023
Wararka Maanta

Isniin, Sept 25, 2023-Millateriga Somaliland oo amar kasoo saaray colaad beeleeda Ceel Afwayn

September 25, 2023
Wararka Maanta

Isniin, Sept 25, 2023-Ciidamada ATMIS ee la qorsheeyay inay ka baxaan Soomaaliya oo la faray inay kusii sugnaadaan xeryahooda

September 25, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Somaliland government releases freelance journalist Abdimalik Oldon

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Warmurtiyeed ka soo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran – Halgan

    76 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Saraakiisha kala duwan oo ka tirsan Ciidanka Puntland.[Masawiro] – Halgan

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Isniin, Sept 25, 2023-Dowladda Soomaaliya oo walaac ka muujisay saamaynta ka dhalan karta hakinta Midowga Yurub ee taageerada gargaarka dalka

September 25, 2023

Digniin: “Mashiinnada caqliga macmalka leh dhowaan way naga caqli badan doonaan”

September 25, 2023

Ancelotti Oo Ka Hadlay Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Atletico Madrid.

September 25, 2023

Buuq ka dhashay soo jeedin ku aadan Muddo kororsi loo sameeyo Madaxweyne Ruto

September 25, 2023

Somaliland rejects talk of unification with Somalia after Museveni comment

September 25, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Sol Campbell Oo Ku Digtay Xiddig Arsenal Ah Kadib Kulankii North London Derby.

September 25, 2023

Xog la yaab leh oo laga keenay ninkii Somaliland ay u dirsatay Uganda – Allbanaadir

September 25, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Axmed Madoobe oo isku Shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirrada xubno cusubna magacaabay

September 25, 2023

Isniin, Sept 25, 2023-Millateriga Somaliland oo amar kasoo saaray colaad beeleeda Ceel Afwayn

September 25, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.