Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Maanta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay muujiyey inuu qarka u saaran yahay dib u doorasho

May 12, 2022
gudaha Wararka Maanta
58 4
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Muqdisho (Allbanaadir Media) – Xalay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay munaasabad uu qorshe siyaasadeedkiisa kusoo bandhigay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale u taagan in xilkaas loo doorto.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu xalay soo bandhigay sababta ay tahay in mar kale dib loogu doorto hoggaanka dalka, isaga oo ujeedkiisu ugu weyn u yahay “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.”

Inkasta oo cidda madaxweyne noqon doonta aan la garaneyn, haddana marka la eego xildhibaanada iyo qeybaha kala duwan ee ka qeyb-galay munaasabaddii xalay oo lagu daray qorshe siyaasadeedka uu soo bandhigay, Xasan Sheekh wuxuu u muuqdaa musharaxa ugu rajada wanaagsan oo dhinacyo badan ay ku wada qanci karaan. 

Musharax kasta wuxuu leeyahay meelo uu ka liito iyo meelo uu ku xooggan yahay, waxaana Xasan Sheekh halka uu ku xooggan yahay lagu sheegay inuu fahamsan yahay nidaamka dowladnimo, islamarkaana yahay hoggaamiyaha hadda isku keeni kara umadda Soomaaliyeed, kadib shano sano oo ay caadifad, qabyaalad iyo kooxeysi  kala geeyeen.

Waxaa xalay munaasabadda Xasan Sheekh joogay xildhibaano aad u badan, ayada oo indho-indheyn ay saameysay Allbanaadir Media ay ku ogaatay in kulankaas uu ahaa kii ay ka qeyb-galeen xildhibaanadii ugu badnaa, marka loo eego kulamada ay qabteen musharaxiinta kale.

“Xasan Sheekh waa hoggaamiyaha kaliya ee isku keeni kara iskuna hayn kara umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada ka qeyb-galay kulanka.

Dhinaca kale, waxaa hadda soo baxaya warar sheegaya in madaxweynihii hore uu soo jiidanayo inta badan taageerada madaxweyne goboleedyada dalka, si gaar ahna Axmed Madoobe, iyo Lafta-gareen ooh adda la sheegay inuu aad uga fakarayo inuu taageero Xasan Sheekh.

Warar kale ayaa sidoo kale sheegaya in Axmed Qoor Qoor uu taageerayo Xasan Sheekh, balse aanu si rasmi ah u shaacin si aanu u xumeyn xiriirkiisa Villa Somalia, halka Saciid Deni uu taageeri doono Xasan Sheekh haddii u uku haro wareegga koowaad.

Madax goboleedyada ayaa la rumeysan yahay inay Xasan Sheekh u arkaan madaxweynaha kaliya ee xukunkooda uu ka badbaadi karo haddii uu guuleysto, taasi oo dhankiisa usoo jiiday.

“Haddii madaxweyne kasta oo Villa Somalia yimaado uu beddelo madax goboleed kasta oo aan ku aragti aheyn, goorma ayey dhismi doonaan maamul goboleedyada,” ayuu yiri Xasan Sheekh mar uu dhowaan la shiray xubno aad ugu dhow, farriintaas oo gaartay madaxweyne goboleedyada.

Xasan Sheekh wuxuu u muuqda inuu koray waddadii dib u doorashada, balse su’aasha xildhibaanada hortaalla ayaa ah: ma waxay codkooda wax kula darsan doonaan madaxweyne la dooran doono, mise meel cidlo ah ayey ku khasaarin doonaan? 

Hoos ka daawo khudbaddii cajiibka aheyd ee uu Xasan Sheekh jeediyey xalay.

Xigasho: Allbanaadir Media

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Maanta

CALI DHEERE oo toogtay kooxdiisa Shabaab – Fallanqeyn – Allbanaadir Media

January 30, 2023
Wararka Maanta

Isniin, Jan 30, 2023-Wasiiradda Gaashaandhiga dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo Muqdisho ku kulmay

January 30, 2023
Wararka Maanta

Isniin, Jan 30, 2023-Dowladda Soomaaliya oo waxbarasho siinaysa carruurta ku nool degaanada laga xoreeyay Alshabaab

January 30, 2023
Wararka Maanta

Mareykanka oo dhex dhexaadinaya Israa’il iyo Falastiin iyadoo dilal badan ay dhowaan dhaceen

January 30, 2023
Wararka Maanta

Isniin, Jan 30, 2023-Maxkamadda ciidamada oo 8 sano oo xabsi ah ku xukuntay xaaska horjoogaha Daacish ee Soomaaliya

January 30, 2023
Wararka Maanta

Maxay salka ku haysaa doodda mucaaradka Kenya?

January 30, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Kooxo hubeysan oo caawa weerar culus ka geystay saldhig ku yaalla Muqdisho

    77 saamiyo
    La wadaag 31 Tweet 19
  • Russian helicopter fired upon at Mogadishu Airport

    75 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Muqdisho

    77 saamiyo
    La wadaag 31 Tweet 19
  • Somalia says 136 Al-Shabab members killed in operation

    85 saamiyo
    La wadaag 34 Tweet 21
  • Before a secret raid on an ISIS leader’s mountain cave complex, US forces ran the mission at a special recreation of the target Area

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

CALI DHEERE oo toogtay kooxdiisa Shabaab – Fallanqeyn – Allbanaadir Media

January 30, 2023

Masuul uu maalin ka hor Magacaabay RW Xamse oo xilka la wareegay (Sawirro)

January 30, 2023

CALI DHEERE oo toogtay kooxdiisa Shabaab – Fallanqeyn

January 30, 2023

Isniin, Jan 30, 2023-Wasiiradda Gaashaandhiga dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo Muqdisho ku kulmay

January 30, 2023

Isku Aadka Wareega 16-ka FA Cup-ka Oo La Soo Saaray

January 30, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Mareykanka oo shacabkiisa uga digay iney booqdaan 19 dal iyo Somalia..

January 30, 2023

Isniin, Jan 30, 2023-Dowladda Soomaaliya oo waxbarasho siinaysa carruurta ku nool degaanada laga xoreeyay Alshabaab

January 30, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Arsenal Oo Badalka Moisés Caicedo Ka Heshay Chelsea.

January 30, 2023

Bankiga Adduunka oo saddex arrin ku amaanay Maamulka Taliban ee dalka Afghanistan

January 30, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.