Jigjiga —
Hoggaamiyeyaasha dowladaha deegaanka Soomaalida iyo Canfarta ee dalka Itoobiya ayaa magaalada Jigjiga ku yeeshay kulan ay kaga wada hadlayaan sidii xal nabadeed loo dhex dhigi lahaa labadaasi deegaan.
Kulankan oo uu qayb ka ahaa wasiirka nabada ee dawlada faderaalka Itoobiya islamarkaana daba socday kulamo hore loo yeeshay ayaa lagu heshiiyay qodobo door ah.
Warbixin arintaas ku saabsan waxa Jigjiga nooga soo diray wariyahayaga Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa.
Xigasho: VOA Somali