By Farah Aw-Osman
Saturday May 14, 2022
Maalinta
Axada ah ee bisha Maayo tahay 15-keeda ayaa la filayaa inay qabsoonto
doorashada xilka madaxweyne ee Soomaaliya.
Hadaba, waxaa iswaydiin mudan isbadal noocee ah ayaa dhacaya? Yaase laga
yaabaa inuu ku guulaysto xilkaas masuuliyadda badan xambaarsan ee ay ku
tartamayaan musharaxiinta sodomeeyada kor u dhaafay?
Doorashadan
waxaa ku hardamaya isbahaysatada mucaaradka ee halku dhigoodu yahay “ibadal
doon” iyo Madaxweynaha xilkiisu dhamaday ee Farmaajo oo halku dhagiisu yahay
“Isbedelka socda”. Badanaa sidaan uga
baranay doorashooyinkii hore ee dhacay,
ilaa sadex wareeg ayaa lagu kala adkaan doonaa, dadka wareega labaad u
soo bixi doonana waa 3 ilaa 5 musharax waa hadii tiro isku dhow ay helaane,
halka wareega sadexaadna 2 ama 3 usii gudbidoonaan waa hadii aan la isku
tanaasuline. Sidaa awgeed, waxaan isku
dayi doonaa inaan samayno odoros ama saadaal ku aadan ragga ugu cadcad ama usoo
gudbi doona wareega labaad iyo sadexaad kuwaas oo mid ka mid ahina noqon doono
madaxweyna xilka qaban doona 4 sanadood ee soo socota.
Inkastoo
isbahaysiga mucaaradka iyo madaxeynaha Farmaajo ay hal ku dhegyo ka dhigteen
isbedel iyo isbadalka socda, hadana, waxaa xaqiiqdu tahay in dhamaan ragga ugu
cadcad musharaxiintu ay wada yihiin dad horay loo soo tiyaabiyay oo xukunka
horay usoo qabtay, sidaa awgeed, isbedelka dhacayaa maaha mid hanaan iyo haykal
cusub oo dowladeed ah, balse waa isbadal hogaamiye oo qudha.
Isku
soo duuboo waxaad moodaa in shanta musharax ee ugu cadcad yihiin Xassan Sheekh,
Deni, Sheekh Shariif, Khayre iyo Farmaajo.
Waxaan samayn doonaa bal inaan isyare dul taagno musharax kasta si aan u
eegno tirade cod bixiyayaal ee uu isku halaynayo, awoodaha shisheeye ee danaha
gaarkaa kal leh dalkeena cida ay kala taageersan yihiin, is xulafaysiga
siyaasadeed, iyo caqabadaha ku iman kara 5taas musharax.
Xassan Sheekh Maxamuud: Waa madaxweynii keli ahaa ee ku guulaystay
inuu xertiisa siyaasadeed ee isaga taabacsan ka mid dhigo xubnaha baarlamaankii
hore, hadana badan koodii ay soo noqdeen.
Xubnahaan oo badankoodu kasoo jeedaan labada maamul goboleed ee
Hir-Shabeele iyo Gal-Mudug, ragaas oo ay ugu cadcad yihiin, Odawaa, Mahad
Salaad, Cali Balcad, Cabdirisaaq Cumar, Cabdikariim Guuleed iyo kuwo
kale.. Waxaa la qiyaasayaa ilaa 30 iyo
45 Xildhibaan oo uu isku halayn karo inuu ka haysto xubnaha cusub ee
Baarlamaanka 11aad.
Saciid Cabdullahi “Deni”: Madaxweyne Deni wuxuu isku halaynayaa ama
haystaa inta badan Xildhibaanada Puntland iyo Jubbaland kuwaas oo uu ama
gacantiisa kusoo xushay una badan wasiiradii maamulkiisa Puntland ama uu
saaxiibkiisa siyaasadeed waa Madoobe uga soo xulay Jubbaland. Qiyas ahaan tiro u dhaxaysa 45 ilaa 55
xildhibaan ayuuna isku halaynayaa.
Shariif Sheekh Axmed: Madaxweyne shariif Axmed, wallow uusan
xertiisii ku guulaysan inuu ku daro baarlaamka tagay, midka cusubna ku lahayn
xildhibaano badan, laakiin wuxuu taageero ka haystaa beesha uu kadhashay ee
Abgaal, qaar ka mid ah xildhibaanada Digil iyo Mirif, iyo xildhibaano ka mid ah
kuwa deegaamada kale. Qiyaas 25 ilaa 35
xildhibaana wuu haystaa.
Xassan Ali Khayre: Khayre wuxuu isku halaynaa xildhibaanada
Beeshiisa Karanle, qaar ka mid ah xildhibaanada beelaha kale ee dega
Hir-Shabeele iyo xildhibaano uu ka filayo beesha uu xididka la yahay ee Reer
Bin-isxaaq. 15 ilaa 25 xubnoodna wuu heli karaa.
Maxamed Cabdullahi “Farmaajo”: Madaxweyne Farmaajo sida laga qiyaas qaadan
karo xildhibaanada taageerayaasha u ah Farmaajo ee u codeeyay xubnihii uu u
sharaxay inay ka mid noqdaan gudoonka Baarlamaanka wuxuu haystaa inta u
dhaxaysa 80 ilaa 95 xildhibaan.
Xassan
Sheekh 35
xildhibaan
Saciid
Deni 45
xildhibaan
Shariif
Sheekh Axmed 30 xildhibaan
Maxamed “Farmaajo” 85
xildhibaan
Wadar guud: 195 Xildhibaan
Tirada guud ee
labadda Aqal: 329 Xildhibaan
Tirada soo hadhay: 134 xildhibaan (ayay kala qaabsan doonaan musharaxiinta
kale).
Akhristow
waxaa laga yaabaa inaa isweydiiso sababaha aan ku salaynay in Afarta musharax
ee (Xassan Sheekh, Deni, Shariif Sheekh Axmed iyo Farmaajo) aan u saadaalinayo
inay codad ka badan kuwa musharaxiinta kale heli doonaan, lagana yaabo inay u
gudbaan wareega labaad ama sadexaad.
Marka
laga reebo Shariif Sheekh Axmed, sadexda Hogaamiye ee aan saadaalinayo inay
wareega labaad u gudbayaan, tirada Xildhibaano ee ay haystaan ama isku
halaynayaan marka laga reebo, waxaa jira dowlado kale oo dhaqaale la garab
taagan ama danahooda gaarkaa ka dhex arkaya sida Qadar, Turkey iyo Itoobiya oo
Farmaajo taageersan iyo Xassan Sheekh iyo Deni oo taageero maadi ah ka haysta
Imaaraadka iyo halka taageero macnawi ahna ay ka haystaan Kenya.
Saadaasha wareega Sadexaad iyo is
xulafaysiga siyaasadeed:
Xassan sheikh iyo Deni oo dhinacna isku xer ah oo
Xarakada Islaax ee Akhwaanu Muslimiinka ka wada tirsanaa, dhinac kalena
saaxiibo ah maadaama Xassan Sheekh uu ahaa ninkii siyaasada soo geliyay Deni
kadib markuu Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga u magacaabay berigii uu
ahaa Madaxweynaha. Sidoo kale, waxaa
mideeyay mabda siyaasadeed ee ku salaysan in Farmaajo la siibo.
Marka
laga reebo xerta diimeed, waxaa iswaydiin mudan mabaadida siyaasadeed ee ay
is-xulafaysigoodu ku salaysan ma tahay mid cago badan ku taagan ? Ma isku
tanaasuli doonaan hadii midkood cod badan helo wareego labaad si codka
mucaaradka oo midaysan ay ugu babacdhigaan
Farmaajo wareega Sadexaad?
Hadii
uu jiro heshiis hoosaan labada oday dhex maray, wuxuu noqon karaa in Deni ku
yiraahdo Xassan Sheekh hadii aan wareega labaad kaa cod bato ii tanaasul, hadii
aad iga cod badatidna waan kuu tanaasulayaa.
Isku tanaasulkaas oo lagu salayn doono in kii guulaysta u saamaxo kan
kale inuu soo dhiso (ama isagu ha qaatee ama qof ha keensadee Ra’iisal
Wasaaraha), sidoo kale xubanaha gollaha wasiiradda ee labada maamul goboleed oo
mid kasta taageerayaasha ka haysto uu kasoo xusho xubnaha gollaha wasiirada ay
ka helaan saami qaybsiga siyaasadeed.
Farmaajo iyo Shariifka: waxaa jira warar lagu
kalsoon yahay ee sheegaya in isxulafaysi hoose oo dhex maray Farmaajo iyo
Shariifka uu jiro kaasoo ku salaysan, hadii Farmaajo arko in washamsi lagu
qaaday uu codadkiisa siin doono Sheekh Shariif, si Deni iyo Xassan Sheekh uu u
seejiyo inaysan hanan kursigaas hamuunta badan ay u qabaan.
Bal
aan isyare dul taagno sababta Shariif Sheekh oo dad badan aysan filayn inuu cod
badan heli karo aan u aaminahay inuu cod fiican heli doono taasoo dad badan
fajaciso ku noqon doonta.
Helintaanka
codkaas dheeriga ahna waxaan u sababaynayaa arimahaan soo socda:
Sheekh Shariif: waa shaqsi dad badan la
jeclaan lahaayeen inuu noqdo qofka badali kara Farmaajo, waa shaqsi quryan
socod ah lehna sifo dad isku wad, dhisi karana dowlad isku dhafan oo la iska
wada dhex arki karo, waa shaqsi og in aqoontiisa dowladnimo ay kooban tahay
sidaa awgeed, 9 sanadood ee tegay sameeyay dadaal badan si uu ugu
diyaar-garoobo hadii uu xilka dib u hanto, waa madaxweynihii ka masuulka ahaa
in dalku transition kii ka baxo, suurto geliyayna in dastuur qabyo qoraala la
sameeyo. Nasiibdarada haysata waxa
weeyaan, mahaysto xer ama tiro sidaa u buuran oo uu isku halayn karo, mana haysto
dhaqaale uu cod ku iibsan karo. Laakiin,
waxaa hada soo ifbaxaya in dad badan ay ka dhex arkeen fursad, sidaasna laga
yaabo inuu ku helo cod lama filaan ah oo dad badan ka fajacin doonta. Dadka hada ku biiray xertiisa siyaasadeed waa
dad og haday taageeraan musharaxiinta kale, sida Xassan Sheekh, Deni iyo
Farmaajo inaysan ka heli karin fursan ay kaga mid noqon karaan dowlahooda waa
haday guulaystaane, maadaama musharaxiintaasi leeyihiin xer siyaasadeed oo ku
hareeraysan, sidaa awgeed, xildhibaano badan ayaad moodaa inay garowsadeen in
Sheekh Shariif hadii ay garab siiyaan uu ugu abaalgudi doono inay gollaha
wasiiradiisa ka mid noqdaan, ama calal aqal minal muqarabiin ku biiri doonaan
maadaama wixii hada ka danbeeya uu balaalin doona qaacidadiisa siyaasadeed.
Caqabadaha lama
filaankaankaa ee ka hor imankara Xassan Sheekh, Deni iyo Farmaajo:
Xassan Sheekh; kuraasta uu isku halaynayo
waxay u badan yihiin xildhibaanada Hir-Shabeele iyo Gal-Mudug, hadaan hoos usii
dhaadhaco Beesha Xawaadle oo reer Abtigiis ah iyo Beesha Habargedir oo xubnaha
xertiisa u badan. Caqabadaha soo wajihi
kara Xassan Sheekh waxaa ka mid ah hadii Beesha Habargedir codkooda ku
mideeyaan Abdiraxmaan AbdiShakuur oo sida hada muuqataba uu u tanaasulay
Cabdikariim Guuleed, Dr. Abdinaasir etc. Caqabada labaad waa in Xassan Sheekh
uusan cod sidaas u sii buuran ka haysan beesha uu ka dhashay ee Abgaal oo ay ka
sharaxan yihiin musharaxiinta ugu faraha badan oo uu ugu cadcad yaahay Sheekh
Shariif, Beeshani waxaa tartan
siyaasadeed kala dhexeeyaa Beesha Habargedir, waana taas mida keenaysan in
badan oo Abgaal ah sida Geedi, Finish, Jeelle ay u taageerayaan Farmaajo, maxaa
yeelay waxay difaacanayaan doorkooda hogaamiyeed ee Banaadir, Hir-Shabeelle,
iyo saamaynta ay ku leeyihiin dowladda federaalka dhinac hogaanka ciidan,
dhaqaale, iyo siyaasadeedba.
Saciid Dani: Madaxweyne Deni oo aad moodid inuu
kalsooni badan ku qabo xildhibaanada Puntland iyo Jubbaland, ayaa isagana
waxaad moodaa inay durba caqabado soo wajaheen sida, Xildhibaan Xoosh iyo
Senator Sareedo Jayte oo Khayre la saftay, halka Senator Fartaag ku jiro xerta
Xassan sheekh, ku xigeena ka yahay Xisbigiisa iyo Xildhibaan Xidig oo ku biiray
xerta Sheekh Shariif (iyo weliba xildhibaano reer Puntland ah oo maalintiina
barsada Deni Fadhiya, habeenkiian barsadaha kale iska xaadiriya gaar ahaan mida
Sheekh Shariif). Laakiin, waxaas oo dhan
waxaa isku fuuqsanaya xidhibaano u badan reer Sool oo lagu tuhunsan yahay inay
codka siin doonaan Farmaajo kuwaas oo ay horkacayaan Bidhaan iyo Timacadde,
kuwaasoo isugu jira kuwo og inay ka mid noqdeen xildhibaanada Federaalka sidaa
awgeedna uusan Deni waxba ku samayn karin, halka kuwo kalena ay ka caroodaan
sida loola dhaqmay Axmed Karaash, iyagoo dareemay in Puntland tahay maamul aan
lawada lahayn. Waxaa intaa usii dheer
Xildhibaanada Jubbaland oo ah kuwo beelo kala duwan ka tirsan, sidaa awgeedna
ay u badan tahay in maadaama codbixintu sir tahay ninba codkiisa cidii la
hayba, la siyaasada ama uu wax uga heli
karo la aado.
Farmaajo: Caqabadaha Farmaajo ku imán kara
waxa weeyaan in xildhibaanada uu isku halaynayo qaar laga kaxaysto, tusaale
ahaan: tiradii uu ka rajaynayay Koonfur-Galbeedba muusan wada helin kalkii
dhawayd ee gudoonka Baarlamaanka la dooranayay, sidaa awgeed, hadii
dhaqdhaqaaqa cusub iyo fursada lama filaankaa ee Sheekh Shariif helay sii
xoogaysato ilaa habeen danbe waxaa dhici karta in codad uu Farmaajo halkaa ku
waayo. Caqabada kale ee ka hor imán
karta waxa weeyaan in hadii washamsi lagu qaado oo wareega sadexaad uu heli
waayo cod ka baxsan inta uu isku halaynayo ee u dhaxaysa 85 – 100 ka cod ama
hoosba uga dhaco uu sidaasi ku waayi doono dib u doorasho.
Isku
soo duuboo, walow wareega labaad la saadaalin karo, cidna 100% ma saadaalin
karto cida wareega sadexaad soo baxaysa ama ku guulaysanaysa. Laakiin, hadii
heshiis hoosaad xoog badan ay wada gaaraan Xassan Sheekh iyo Deni waxaa dhici
karta in midkood wareega sadexaad u gudbo halkaasna uu ku heli karo fursad
qaali ah oo badiil u noqon karta soo noqoshada Madaxweyne Farmaajo. Halka, dhinaca kale, hadii Farmaajo heshiis
sadex geesood ah lagalo Sheekh Shariif iyo Khayre ay dhici karto inuu cod
dheeri ah ka helo Beesha Mudulood, Beesha Karanle, Beesha Shanaad, qaar ka mid
ah Beelaha Dirta Koonfureed, Beesha Dhulbahante iyo inuu cod ka helo Beesha uu
ka dhashay (gaar ahaan kuraasta Ceelwaaq lagu doortay) taasoo laga yaabo inay
ka caroodeen sida loogu goobtay.
Xigasho: Hiiraan