Madaxweynaha Puntland ahna Musharrax Madaxweynaha DFS H.E Said Abdullahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa xalay kulan ku qaatay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Kulanka oo ka dhacay hoyga Siciid Cabdullaahi Deni ayaa looga hadlay xaalada dalka, gaar ahaan doorashada Madaxweynaha 10-aad ee JFS loo balansan yahay 15-May oo ku beegan axada.
Axmed Madoobe oo dhowaan tagay Muqdisho ayaa ka wada Muqdisho olalaha doorashada Madaxweynaha DFS ee Siciid Deni oo ay wadaa dhow yihiin. Waxaana uu kulamo la qaatay.
PUNTLAND TIMES
Xigasho: Puntland Times