Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Bogaadiyay Guusha laga gaaray Doorashadii taariikhiga ahayd ee ka qabsoontay inta badan gobollada Puntland.
Madaxwayne Deni ayaa ugu horeyn sheegay in uu ugu hambalyeeynayo shacabka Puntland Dowrka ay ku lahaayeen Qabsoomidda Doorashada oo uu sheegay in ay ka dhacday 30 degmo oo katirsan 7kamid ah Gobollada Puntland.
Deni ayaa xusay in tani ay tahay Fursad Taariikhi ah oo mudan in laga faaiideysato si dalka ay kaga hergasho Dimuquraadiyad sax ah.
Waxa uu tilmaamay in madaxda Dowladda Somalia iyagana looga baahan yahay in ay dalka ka hergeliyaan Doorasho tan lamid ah maadama shacabku doonayo in ay soo doortaan shaqsiyaadka ay waxqabad ku tuhmayaan.
Waxa uu mahadcelin ujeediyay shacabka, Hay’adaha amaanka, waxgaradka iyo Beesha caalamka oo uu xusay in dhamaantood ay dowr wayn kulahaayeen hergelinta doorashadaan.
Puntland ayaa noqotay dowladii ugu horeysay oo qayb ka ah federaalka oo deegaanadeeda ka hergelisa Doorasho la bogaadiyay, waxaana ay tani hal xiraale utahay maamulada kale ee dalka iyo DFS oo dhamaantood looga baahan yahay in ay kasoo jawaabaan ama ay soo furaan Halxiraalahaasi.
Halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka uu soo saaray Madaxwayne Siciid Deni
Xigasho: Puntland Times