Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Maanta

Midowga Yurub oo dib u fasaxay lacagtii uu ku kabi jiray miisaaniyadda dowladda – Allbanaadir.com | Warar Sugan | Xigasho Iyo Xaqiiq ku Salaysan | Waa Astaanta Allbanaadir Media

May 26, 2023
gudaha Wararka Maanta
60 2
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Muqdisho (Allbanaadir Media) – Midowga Yurub ayaa ansixiyey lacag 20.5 milyan oo Euro ah oo lagu taageerayo miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka dowlad dhiska iyo taageerada deyn cafinta ururka ee Soomaaliya oo loo soo gaabiyo SRBC.

Tani waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay billaabeen qorshe hawleed wadajir ah oo ku aaddan macaamilka Midowga Yurub iyo Soomaaliya, kaasi oo qeexaya ahmiyadaha wadajirka ah ee labada sano ee soo socota.

Ayada oo la bixinayo lacagtan ayaa Midowga Yurub wuxuu ku taageerayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya inay u fuliso qorshaheeda horumarinta iyo xasilinta qaranka ayna kusii socoto waddadii ay ku gaari laheyd barta dhameystirka barnaamijka deyn cafinta ee loo yaqaan HIPC.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann ayaa tiri “Iyadoo ay ku dhowdahay dhameystirka barnaamijka HIPC, Soomaaliya waxay dhawaan gaari doontaa guul taariikhi ah, taasi oo keeni doonta fursado cusub laakiin sidoo kale caqabado wadata.”

“Kordhinta kheyraadka gudaha iyo sii wanaajinta maamulka maaliyadda ayaa muhiim u ah horumarinta ajendaha dib u habeynta dhaqaalaha iyo sii wadidda dhismaha dowladnimada Soomaaliya.”

Tiina ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu daneynayo inuu sii wado taageerada Soomaaliya si wax looga qabto caqabadahan loona xaqiijiyo in adeegyo wanaagsan la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa yiri “Waxa aan bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in Saaxiibada Soomaaliya ee Midowga Yurub ay dib u soo fasexeen kabkii miisaaniyadda oo muddooyinkaan ay dowladdu dadaal ugu jirtay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka maaliyadeed ee hay’adaha caalamka.”

“Taageerada Miisaaniyadda ee Midowga Yurub waa il kaalmo oo qiimo leh si loo xaqiijiyo in dowladdeenu ay xoojiso isbeddelada socda iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.”

Isha: VOA

The post Midowga Yurub oo dib u fasaxay lacagtii uu ku kabi jiray miisaaniyadda dowladda appeared first on Allbanaadir.com | Warar Sugan | Xigasho Iyo Xaqiiq ku Salaysan | Waa Astaanta Allbanaadir Media.

Xigasho: Allbanaadir Media

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Maanta

Al-Shabab militants abduct medical aid workers in Hiiraan region

June 7, 2023
Wararka Maanta

20 Al-shabaab ah oo lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

June 7, 2023
Wararka Maanta

Ugandan soldiers survive six days hiding from Al-Shabab, says military

June 7, 2023
Wararka Maanta

Kooxaha Sacuudiga oo soo bandhigay 10 ciyaaryahan oo kusoo wajahan horyaalka Saudi Pro League

June 7, 2023
Wararka Maanta

Warbixin:- USA oo ka hadashay Qaladkii ugu waynaa ee uu galay Farmaajo xilligii doorashada. – Puntland Times

June 7, 2023
Wararka Maanta

Kenyan police tear-gas protest over proposed tax hikes

June 7, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Police probe ‘strange’ ransom demand in Ciku Muiruri’s abduction case

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Degdeg:- Gedo oo yeelatay Gudoomiye cusub iyo Gudoomiyahaas oo loo diiday in uu usafro Gobolka. – Puntland Times

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Al-Shabab militants abduct medical aid workers in Hiiraan region

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Former police commander narrowly escapes suspected Al-Shabaab assassination attempt in Mogadishu

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Haweeney afar caruur ah ku dhashay Isbitaalka Banaadir

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Messi, Modric & 13 Xiddig Oo Waaweyn Oo Ronaldo & Benzema Kula Biiri Kara Horyaalka Sucuudiga.

June 7, 2023

Madaxweynaha Jubbaland oo xariga ka jaray Waddooyin Laami ah oo laga dhisay Kismaayo (Sawirro)

June 7, 2023

Al-Shabab militants abduct medical aid workers in Hiiraan region

June 7, 2023

20 Al-shabaab ah oo lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

June 7, 2023

Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in 20 ka mid ahaa Shabaab lagu dilay Shabeellada hoose

June 7, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Xoghayaha Dibada ee Maraykanka oo safar ku tagay Sacuudiga xili xiriirka labada dal uu sii xumaanayo

June 7, 2023

Shaxda Riyada Carlo Ancelotti Ee Real Madrid, Kane Oo Badalay Benzema.

June 7, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Maxamed bin Salmaan oo kulan si weyn looga war sugayay la yeeshay Antony Blinken

June 7, 2023

Ugandan soldiers survive six days hiding from Al-Shabab, says military

June 7, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.