Guddiga Qabanqaabadda doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbaday Musharraxiinta Madaxweynaha inay soo gudbiyaan magacyada xubnaha u tirin doona codadka doorashada, kahor 12:30 duhurnimo maanta.
Hoos ka Akhriso wargelinta Guddiga Qabanqaabadda doorashada Madaxweynaha DFS.
OGAYSIIS MUHIIM AH:
Dhammaan Musharraxiinta Madaxwaynaha JFS waxaa laga codsanayaa in ay ka soo jawaabaan codsiga Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo ah in Musharrax kasta Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka.
Musharraxii ku soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay uma suurta gali doonto in uu hoolka doorashada soo galo qofka la socda
FG: Waqtiga kamadanbaysta ah ee soo gudbinta magacyada waa 12:30am (duhurnimo) ee maanta.
Wixii faahfaahin ah kaga soo jawaaba nambarka guddiga ee farriintu idin kaga timid.
Xigasho: Puntland Times