?????????????????????????????????????????????????????????
May 12 (Jowhar.com)- Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in lagu diley wiil dhalinyaro ah oo lagu Magacaabi jiray Siciid Gabeyre.
Waxa ay wararka qaar ay sheegayaan in wiilkan dhalinyarada ah uu dilay askari ka tirsan ciidamada maamulka Galmudug.
Dilka wiilkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay xiisad colaadeed ka taagan tahay degmada Guriceel iyadoo ciidamo badan halkaas la geeyay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Guriceel iyo weliba maamulka Galmudug. Hase yeeshee shacabka ku nool magaalada Guriceel ayaa ka codsaday maamulka degmada inuu gacanta ku soo dhigo qofkii ka dambeeyay dilka Saciid Gabeyre lana marsiiyo cadaalada.
Xigasho: Jowhar