Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Maanta

Nin dilay xaaskiisa iyo mid kale oo lagu toogtay Baydhaba

March 19, 2023
gudaha Wararka Maanta
60 2
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Baydhaba (Allbanaadir Media) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo horay dilal uga geysatay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Toogashada ayaa saaka aroortii hore ka dhacday cara tuurka oo ah waqooyiga waqooyiga Baydhaba, waxaana goobta ku sugnaa saraakiil ciidan iyo askar ka tirsan ciidanka amniga.

Sidoo kale waxaa fagaaraha toogashada ku sugnaa shacab usoo daawasho tagay oo ay ku jireen ehelladaa dadka la tooganayay iyo kuwa qisaasta loo fulinayay.

Labada marxuum ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Xuseen Maxamed Cabdi Nuur iyo Abaadir Isaaq Nuur, kuwaas oo ay horay dil ugu xukuntay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka, kaas oo ugu dambeyn saaka lagu fuliyay.

Xuseen Maxamed Cabdi Nuur ayaa horay u dilay xaaskiisa, waxa ayna Maxkamaddu  ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuumaddii uu nolosha dhaafiyay.

Sidoo kale Abaadir Isaaq Nuur ayaa isna waxaa lagu soo eedeeyay dilka askari ka tirsanaa ciidamada Booliiska, sida uu sheegtay Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada.

Maalmihii u dmabeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa kordhisay fulinta xukunada dilalka toogashada ah, waxaana ugu dambeeyay qasaastii lagu fuliyay Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax), Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow), Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego) oo lagu helay la shaqeynta kooxda Al-Shabaab.

Waxaana kasii horreeyay oo isla todobaadkii hore tiirka la geeyay Cabdi Shakuur Axmed iyo Cabdi Jamaal oo ka tirsanaa ciidamada Booliska, kuwaas oo lagu helay inay dilal geysteen.

Si kastaba, waxaa weli xabsiyada dowladda ku jira askar kale oo dilal geysatay iyo xubno ka tirsan Shabaab oo iyagana sugaya in la geeyo tiirka cadaaladda, maadaama la xukumay.



Xigasho: Allbanaadir Media

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Maanta

Khamiis, Mar 30, 2023-Horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya

April 1, 2023
Wararka Maanta

Xasan Sheekh oo Galmudug ku wajahan iyo qorshaha safarka oo la shaaciyey

April 1, 2023
Wararka Maanta

Waxaanu noqon doonaa dalka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsada

April 1, 2023
Wararka Maanta

Jimco, Mar 31, 2023-Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay xubinimada Finland ee NATO

April 1, 2023
Wararka Maanta

Jimco, Mar 31, 2023-Haweenay geeriyootay kadib markii uu qaaday Dooxa Hargaysa

April 1, 2023
Wararka Maanta

Jimco, Mar 31, 2023-Maraykanka oo walaac ka muujiyay colaada Laascaanood iyo dib u dhaca doorashooyinka Somaliland

April 1, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Dagaalo mar kale saaka ka dhacay duleedka Laascaanood & Wararkii u dambeeyey

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • DAAWO Fadeexad Culus Fadaro Family oo Dharka Dhigtay Muuqaal Galmo ah iska Soo Duubeen Daawo

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Karmel Mall’s Basim Sabri makes his biggest move, a sign of growing immigrant prosperity

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Dagaal weli socda & ciidanka Somaliland oo Madaafiic culus ku garaacay Laascaanood

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Somaliland oo iska fogeysay faddeexad ka dhalatay mashruucii Imaaraadka ee Berbera

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Khamiis, Mar 30, 2023-Horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya

April 1, 2023

Reds Oo Halis Ugu Jirta In Ay Dhigto Rikoodh Xun Oo Ay Ugu Dambaysay 14 Sano.

April 1, 2023

Xasan Sheekh oo Galmudug ku wajahan iyo qorshaha safarka oo la shaaciyey

April 1, 2023

Waxaanu noqon doonaa dalka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsada

April 1, 2023

Blues Oo Doonaysa In Ay Sii Wataan Guulaha Xidhiidhka Ah.

April 1, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Jimco, Mar 31, 2023-Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay xubinimada Finland ee NATO

April 1, 2023

Gunners Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Leeds.

April 1, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Jimco, Mar 31, 2023-Haweenay geeriyootay kadib markii uu qaaday Dooxa Hargaysa

April 1, 2023

C/QAADIR NUUNE “Aragtideyda, FSAN ahaan waxaan u baahanahay in na lala xisaabtamo, waana waajib saaran ururada”

April 1, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.