Guddiga Amniga gobalka Mudug ayaa soo saaray awaamiir ka kooban 6 qodob, kuwaas oo ku socda masaajidada ku yaalla magaalada Gaalkacyo, xilli ay dib uga bilowdeen magaalada dilalka haldoorka loo geysanayo.
Waraaq kasoo baxday Guddiga Amniga gobalka Mudug ayaa lagu amray masaajidada Gaalkacyo in lagu xiro kaamirooyin 7 maalmood gudahood, iyo ilaalo loo sameeyo masjid kasta.
Sidoo kale, Guddiga ayaa amray in lagu xiro masaajidada hortooda layrarka ifka waa weyn iyo in khudbadaha jimcaha looga hadlo argagixisada.
Go’aanada Guddiga Amniga gobalka Mudug ayaa kusoo aadaya xilli habeen kahor lagu dilay afaafka hore ee masjidka Ramadaan oo ku yaalla dhabarka dambe ee saldhiga dhexe ee Gaalkacyo, kuna dhagan Hotel Al-Jazeera Nabaddoon Cabdi Dheere oo kamid ah waxgaradka gobalka Mudug.
Xigasho: Puntland Times