“Maxaabiistu waa jirta baraha bulshadana waanu lasoo wadaagi doonaa, ragii waxay qabteen oo ay meesha kasoo daynayeen in ay badan koodii laayeena waa la haya” ayuu Gaylan Media u sheegay Caaqil Falaalug.
Dhanka kale, Somaliland ayuu ku eedeeyay in ay dagaalka bilowday “3 dii iyo daqiiqado ayay dagaalka soo bilaabeen waana la ogaa maalmahan, dhaqdhaqaaqooda waa loo jeeday sida ay isku urursanayaan iyo meelaha ay isku soo beegayaan”.
Ciidamada Somaliland ayuu ku eedeeyay in ay usoo guureeyeen magaalada isla markaana ay dagaalka ka bilaabeen meel magaalada u dhow, waxaanu sheegay in dagaalku uu ka dhacay dhamaan jihooyinka magaalada marka dhinaca koonfureed laga reebo.
Waxa kale oo uu sheegay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawaca, lakiin aanay tiro koobka sax ah hayn, wuxuuna sheegay in maydka iyo dhaawacu uu yaalo ilaa 5 meelood oo magaalada ah, isla markaana ay gacanta ku hayaan tiradooda.
Waxa uu sheegay in ay wadahadal diyaar u yihiin lakiin aanu suuragal ahayn inta ciidamada Somaliland ay duljoogaan magaalada, oo ay madaafiic ku garaacayaan sida uu hadalka u dhigay.
Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]
Xigasho: Hiiraan