Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Uganda doorka ay ka qaadanayso dib u dhiska Ciidamada Soomaaliyeed ee wajahaya dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo uu sheegay inay aas-aas u yihiin dowladnimada iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo Alshabaab.
Madaxweynaha dalka Uganda ayaa horey u ballanqaaday inuu dalkiisa ka caawinayo Soomaaliya tababarka ciidamada qalabka sida.
Madaxweyne Museveni ayaa aaminsan in xalka amni ee Soomaaliya uu ku jiro dib u dhiska ciidanka qaranka Soomaaliya si ay masuuliyadda ugala wareegaan ciidamada midowga Afrika ee ATMIS.
Xigasho: Hiiraan