Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Shiekh Cali iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Galmudug Mudane Cabdinasir Cabdulqaadir Cabdulle oo safar Nabadeed ku jooga Degmada Towfiiq ayaa kulan la qaatay qaar kamida Isimada, Nabadoonada iyo waxgaradka Degmada, kulan ka ayaa looga hadlay dhacdo Dagaal oo dhex martay laba Beelood oo walaalaa ee kala dega Degmada Towfiiq iyo Deegaanka Af-Barwaaqo.
Kulan ka oo saacado socday ayaa Nabadoonada iyo Waxgaradka Deegaanka masuuliyiintu usoo jeediyeen sadex qodob oo bilow u ah Nabadaynta Dhacdadii labada Beelood ayaa kala ah.
1- in la aqbalo Xabad joojin bilaa shuruuda lagana dhowrsanaado wax kasta oo wax yeeli kara Nabadaynta.
2- in garawshiyo iyo tanaasul laga bixiyo dhamaan dhacdooyinkii dhawaan dhacay ee labada Beelood dhexmaray.
3- in masuuliyiinta Gobolka lagu wareejiyo dhamaan qoryihii iyo waxii kale ee dhinaca kale lagu kala furtay intii dagaalku socday.
Nabadoonada iyo waxgaradka Degmada Towfiiq oo madasha ka hadlay ayaa aqbalay dhamaan qodobadii loo soo jeediyey intii kulan ku socday iyagoona diyaar u ah inay fuliyaan.
Xigasho: Puntland Times