
Axad: May 15, 2022
Waxaa xalay magaalada Kismaayo lagu dilay Taliye ku xigeenkii guutada 11-aad, qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka, Ismaaciil Sheekh Isxaaq iyo laba gabdhood oo Awoowe uu u ahaa.
Sida ay warar lagu kalsoonaan karo noo xaqiijiyeen iyo ilo wareedyo dhanka ammaanka ah, sarkaalka iyo labadaas gabdhood waxaa lagu dilay qarax miino oo guriga loogu xiray.
Sidoo kale seddax qof oo isla qoyska ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, kuwaas oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaalada Kismaayo.
Ciidamada ammaanka ayaa caawa baritaano culus ka wada xaafadda Guul-wade ee magaalada Kismaayo oo ah xaafadda uu ku yaallo guriga lagu qarxiyey qoyskaan.
Office Nairobi kenya

________________________________________________________________________________________
Xigasho: Qaranimo