Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ay ka wada hadleen gebagebada howshii doorashada dalka ee guushah ku soo dhammaaday.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay sidii uu hoggaamiyay howshii doorashada dalka iyo dhabar adeygii uu muujiyay si uu uga miro dhaliyo doorashadii dalka oo ku soo dhammaaatay si nabad ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kasoo dukaamaystay mid kamid ah goobaha ganacsi ee ku yaala wadada Makka Almukarama ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.
Xigasho: Puntland Times