Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Maanta

Sawirro: Farmaajo oo farriin diray kahor doorashada

May 15, 2022
gudaha Wararka Maanta
57 5
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Muqdisho (Allbanaadir Media) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad lagu xusayey 79 guurada ka soo wareegtay aas aaska Ururka Dhallinyaradii SYL, taas oo lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Farmaajo oo maanta ka qayb-galaya tartanka doorashada madaxweynaha ayaa taalada SYL dhigay ubax lagu maamuusayey doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee xorriyadda Somalia.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale farriin loogu diray guud ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna ku booriyey inay wax ka bartaan sooyaalkii halgan ee geesiyaashii SYL, sidoo kalena uu jiilba, jiilka ka dambeeya dhaxalsiiyo, maamuuskooda, taariikhdooda, halgankooda iyo dhaxalkii waddaniyadeed ee ay inooga tageen.

“Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dalkeenna iyo kan guud ee ummada Soomaaliyeed. Waxa ay ku sifaysnaayeen, midnimo, dhabar adayg, waddaniyad iyo ka fogaanta qabyaaladda, taas ayaana sabab u noqotay in ay xaqiijiyaan hiigsigii shacabka Soomaaliyeed ee ahaa in ay ka xoroobaan gumaystaha, noqdaanna dal madax bannaan oo karaamo iyo sharaf ku dhex leh dunida”

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Taalada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay ilaashaadaan midnimada iyo wadajirkooda, oo ah mabaadi’dii saldhigga u ahaa aasaaskii SYL.

Munaasabadda Ubax-dhigga Taalada SYL waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Agaasimaha Guuud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise.

Sanadkan wuxuu xuska 15-ka May kusoo aaday, iyada oo la qabanaayo doorashada xilka madaxweynaha oo ay maanta si weyn ugu loolami doonaan xubno ku dhow 40 musharax.

Source link

The post Sawirro: Farmaajo oo farriin diray kahor doorashada appeared first on Allbanaadir Media.

Xigasho: Allbanaadir Media

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Maanta

Turkiga oo u yeedhay danjiraha Denmark, ka dib markii Denmark lagu gubay kitaabka Quraanka ah

January 28, 2023
Wararka Maanta

Ruushka oo Eriteria kala hadlay isticmaalka dekedaha iyo garoomadeeda ku yaalla badda cas

January 27, 2023
Wararka Maanta

Jimco, Jan 27, 2023-Mareykanka oo sheegay iney dileen hoggaamiyahii kooxda Daacish ee Soomaaliya

January 27, 2023
Wararka Maanta

Jimco, Jan 27, 2023-Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay dilka Hoggaamiyahii Daacish ee Soomaaliya

January 27, 2023
Wararka Maanta

Jimco, Jan 27, 2023-Madaxweyne Xasan Sheekh “Caalamka iyo inta badan dadka Soomaaliyeed kuma qanacsaneen howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab”

January 27, 2023
Wararka Maanta

Sawirro: Xasan Sheekh oo xog cusub siiyey waalidiinta ciidanka ku maqan Eritrea

January 27, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Madaxweyne Xasan oo Baydhabo ka daah furay hindisaha Qaran ee Soomaaliya Cagaaran

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Muwaadiniin Itoobiyaan ah oo la qabtay iyaga oo Daroogo galinaya dal Carbeed

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Somaliland oo dhaq-dhaqaaq cusub ka billowday Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • US military kills senior Islamic State official in Somalia

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Fight against Al-Shabab is Jihad, Somali Islamic Scholars ruled

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Turkiga oo u yeedhay danjiraha Denmark, ka dib markii Denmark lagu gubay kitaabka Quraanka ah

January 28, 2023

Sawirro: Nin Falastiini ah oo Qudus ka fuliyey weerar lagu laayey Israa’iiliyiin badan

January 27, 2023

Palestinian gunman kills 7 in East Jerusalem shooting

January 27, 2023

Man City Oo Dhulka Ku Jiiday Arsenal Iskana Xaadirisay Wareega 16-ka FA Cup-ka.

January 27, 2023

Ruushka oo Eriteria kala hadlay isticmaalka dekedaha iyo garoomadeeda ku yaalla badda cas

January 27, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Waan ogaa In Jesus Ku Biirayo Arsenal, Halkan Sabab Ayaanan Ula Yaabay Heshiiskii Zinchenko Ku Yimid Arsenal.

January 27, 2023

Shaxda Ugu Fiican Qaybta Hore Ee Xilli Ciyaareedka Premier League Oo La Soo Saaray.

January 27, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Nin la waayay 66-sanno kahor oo dib ugu noqday Qoyskiisa iyo farxad lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

January 27, 2023

Wafdi ka socda Hey’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Qadar oo gaaray Kismaayo

January 27, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.