Madaxweynaha cusub ee JFS Hassan Sheikh Mohamud, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).
Kulanka oo ahaa booqasho uu Guddoomiye Aadan Madoobe ugu tagay Madaxweynaha cusub ayaa looga hadlay dhammeystirka dhismaha Hay’addaaha Dowladda iyo dadejinta howlaha xilliga kala-guurka.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa lagu sheegay in kulanka oo ahaa is-xogwareysi, si gaar ah diirada loogu saaray siddii loo amba qaadi lahaa geeddi-socodka nabadda iyo xasilooni siyaasadeed oo wadajir ah.
“Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta salaan iyo hambalyo ugu tagay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ay doorteen Baarlamaanka labada Aqal, waxaana labada masuul kulan koodi ahaa is xog-wareysi iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa geedi socodka nabada iyo xasilooni siyaaseed oo wadajir ah.”
Xigasho: Puntland Times