Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Maanta

Sidee looga falceliyey guusha Xasan Sheekh Maxamuud?

May 16, 2022
gudaha Wararka Maanta
57 5
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Muqdisho (Allbanaadir Media) – Kadib doorashadii xalay dhacday ee uu ku soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa guushiisa ka dhalatay falcelin xoog leh, iyada oo si weyn loo soo dhoweeyey inuu markale hoggaamiyo Villa Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha, madaxda maamul goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si weyn uga hadlay doorashada uu ku guuleystay  Xasan Sheekh Maxamuud.

Rooble oo hoggaaminayey doorashada dalka ee xalay lasoo gabagabeeyey ayaa boggaadiyey guusha madaxweynaha cusub.

“Madaxweyne Xasan waxaan Eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday. Waxaan rajeynayaa in madaxweynaha la doortay uu dalka ku hoggaamiyo hannaan wax ka tara xaqiijinta amniga dalka, horumarinta dhaqaalaha, soo celinta kalsoonidii iyo xasilloonidii siyaasadeed ee dhaawacantay, kordhinta adeegyada bulshada, hagaajinta xiriirka dibadeed ee dalka, qabyo-tirka dastuurka, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo arrimaha kale ee hortebinta u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri.

Sidoo kale madaxda maamul goboleeyada ayaa ka hadlay doorashada xalay dhacday iyo isbeddalka ku yimid hoggaanka dalka, iyaga oo u hambalyeeyey Xasan Sheekh Maxamuud.

Saciid Deni oo tartanka qayb ka ahaa ayaa yiri “Waxaan u hambalyeeynaya Madaxwehnaha cusub ee Soomaaliya  loo doortay, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, waa masuul hore usoo shaqeeyay wuxuuna ku yimi isbedel dalka ka dhacay. Waxaan u rajeynaya in Alle u fududeeyo Xilka loo doortay. Doorashada Madaxweynaha JFS in ay inoo qabsoomto, howl badan iyo shaqo badan ayaa laga soo maray, Illaahay ayaa mahadleh si wanaagsan oo nabad ah inoogu dhameeyay, waynu wada guuleysanay isbedelka dhacayna waxaan rajeynaya in uu dalkeena u jiheeyo dhinaca wanaagsan”.

Qoor Qoor “Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya madaxweynihii 10aad ee caawa kusoo baxay doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay. Madaxweyne Axmed ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyay gudigii labada aqal ee lahaa qaban qaabada doorashada madaxweynaha dalka, iyo xildhibaanada labada aqal ee gutay waajibkooda dastuuriga ah, soona doortay madaxweynaha dalka hogaamin doona afarta sano ee soo socota”.

Axmed Madoobe “Waxaan ugu hambalayaynayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud guusha tariikhiga ah ee caawa uu ka gaaray doorashooyinka dalkeena. Waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo masuuliyada culus ee hortaala, sidoo kalana waxaan u mahad celinayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee muujiyay dhabar adayga Saacadaha dheer si doorashooyinka dalkeena ay usoo gunaanadaan.”

Lafta Gareen “Madaxweynaha DG Koofur Galbeed ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh alle ugu baryay in uu la garab-galo xilka uu mas’uuliyaddiisa qaaday: “Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha 10-aad ee Dalka Mudane Xasan Shekh Maxamuud oo caawa ku guulaystay Tartanka Madaxweynanimo ee Dalka, waxaan Rabi uga barinayaa inuu xilka la garab galo kuna asturo”.

Cali Guudlaawe “Madaxweynaha DG Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Xasan Sheekh Maxamud oo caawa loo doortay Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay  Madaxweynaha Cusub ee Dalka in Masuuliyada culus ee loo doortay uu Alle u fududeeyo”.

Dhinaca kale mucaaradka ayaa si weyn u boggaadiyey guusha madaxweynaha cusub, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka mid ah xubnahaasi:-

Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Waxaan hambalayo u dirayaa saaxibkeey Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Xasan waxaan soo wada galnay halgan adag oo maalmihiisu qaraar yihiin, kaasoo dalka looga samata bixiyey halis kali talis, ku takri fal awoodeed, iyo kala irdheyn shacab. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa in uu xilka la garab galo, kana yeelo kii dalka ku hoggaamiya siyaasad loo dhan yahay oo aan cidna laga tashan, cidna laga tegin”.

Xasan Cali Khayre “Waxaan Hambalyo u dirayaa Madaxweynaha 10.aad ee Jumhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud oo mar kale lagu aaminay hogaaminta dalka. Waxaa caawa miro-dhalay halgankii adkaa ee aan usoo galnay in dalka awoodiisa lagula kala wareego sanduuq furan iyo cod, waxaana madaxweynaha cusub ee la doortay ugu hambalyeynayaa xilka culus ee loo igmaday. Waxaanna Allah uga rajeynayaa in masuuliyadaas uu ku asturo, noqdana mid dalka iyo dadkaba ka saara caqabaddaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka xiligan ka jira”Sidaasi waxaa yiri Xasan Cali Khayre.

Source link

The post Sidee looga falceliyey guusha Xasan Sheekh Maxamuud? appeared first on Allbanaadir Media.

Xigasho: Allbanaadir Media

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Maanta

Jimco, Mar 31, 2023-Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay xubinimada Finland ee NATO

April 1, 2023
Wararka Maanta

Jimco, Mar 31, 2023-Haweenay geeriyootay kadib markii uu qaaday Dooxa Hargaysa

April 1, 2023
Wararka Maanta

Jimco, Mar 31, 2023-Maraykanka oo walaac ka muujiyay colaada Laascaanood iyo dib u dhaca doorashooyinka Somaliland

April 1, 2023
Wararka Maanta

Jimco, Mar 31, 2023-Bangiga Adduunka oo sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay in ay u qalanto deyn cafinta

March 31, 2023
Wararka Maanta

Jimco, Mar 31, 2023-11 Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku dhintay shil Gaari oo ka dhacay gobolka Bari

March 31, 2023
Wararka Maanta

11 qof oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday goob cunto lagu qaybinayey

March 31, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Dagaalo mar kale saaka ka dhacay duleedka Laascaanood & Wararkii u dambeeyey

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Dagaalo maanta ka dhacay Laascaano iyo khasaaraha – Puntland Times

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • DAAWO Fadeexad Culus Fadaro Family oo Dharka Dhigtay Muuqaal Galmo ah iska Soo Duubeen Daawo

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • DF oo sheegtay iney dileen Saraakiil kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa..

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Karmel Mall’s Basim Sabri makes his biggest move, a sign of growing immigrant prosperity

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Blues Oo Doonaysa In Ay Sii Wataan Guulaha Xidhiidhka Ah.

April 1, 2023

Jimco, Mar 31, 2023-Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay xubinimada Finland ee NATO

April 1, 2023

Gunners Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Leeds.

April 1, 2023

Jimco, Mar 31, 2023-Haweenay geeriyootay kadib markii uu qaaday Dooxa Hargaysa

April 1, 2023

C/QAADIR NUUNE “Aragtideyda, FSAN ahaan waxaan u baahanahay in na lala xisaabtamo, waana waajib saaran ururada”

April 1, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Ciidanka Puntland oo qabtay lacago been abuur ah iyo dadkii watay

April 1, 2023

Jimco, Mar 31, 2023-Maraykanka oo walaac ka muujiyay colaada Laascaanood iyo dib u dhaca doorashooyinka Somaliland

April 1, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Faaqidaadda Toddobaadka: Shirweynaha Doorashooyinka Puntland

March 31, 2023

Jimco, Mar 31, 2023-Bangiga Adduunka oo sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay in ay u qalanto deyn cafinta

March 31, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.