“Dalkan hadaanu doorasho galin oo aan la dooranin madaxda, ama madaxweynaha soo socda iyo cidii kale ee doorashadeedu taagantahayba dee socon maayo, distoor keena ayaa dhigaya in 5 tii sannoba mar la cusboonaysiiyo” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.
Waxa uu sheegay in uu guddida doorashooyinka uu uga fadhiyo in ay miiska soo saaraan wadadii doorashada loo mari lahaa iyo wakhtigii la qaban lahaa, waxaanu sheegay in qasab ay tahay in doorasho la galo wakhtigan.
Waxa uu sheegay in lagu jiro wakhti saddexdii xisbi wakhtigoodii dhacay, oo anay doorasho gali karin ilaa oo dib loo doorto, isla markaana ay taaganyihiin 10 urur oo diyaar u ah in ay usoo baxaan xisbiyo rasmi ah.
Doorashada madaxtooyada ayaa dib u dhacday kadib khilaaf daba dheeraaday oo u dhexeeya madaxweynaha iyo xisbiyada mucaaradka, khilaafkaas oo aan wali xal buuxa laga gaadhin.
Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]
Xigasho: Hiiraan