May 16 (Jowhar.com)- Dowladda UK ayaa ka hadashay doorashada uu ku soo baxay Xasan Sheekh Maxamuud, waxeyna soo bandhigeen dhinacyada ay kala shaqeyn doonaan madaxweynaha cusub.
Wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika Vicky Ford, oo qoraal soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa u hambalyeeysay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo amaantay kaalinta ay xildhibaanada ka qaateen hirgalinta doorashada.
Waxay sheegtay in dowladda UK ay kala shaqeyn doonto madaxweynaha cusub saddex arrimood oo ay kamid yihiin dadaallada ku aadan xoojinta amniga, la dagaallanka Shabaab iyo taakuleynta dadka ay saameeyeen abaaraha ka taagan Soomaaliya.
“Hambalyo Xasan Sheek Maxamuud, oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya UK waxay rajeyneyaa inay sii waddo shaqada wada shaqeynta dhow ee ay Soomaalida uga taageereyso dhismaha xasilloonida, la dagaallanka Al-shabaab iyo taakuleynta dadka ay saameeyeen abaaraha ba’an” ayay qoraalkan ku tiri Vicky Ford wasiirka arrimaha Africa ee UK.
Xigasho: Jowhar