20 kamid ah Musharraxiinta Madaxweynaha 10-aad ee JFS ayaa maanta jeedin doona khudbadahooda Musharraxnimo, oo ay uga hadli doonaan waxqabadyada u qorsheysan haddii ay guuleystaan.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS Hassan Ali Khaire, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa kamid ah Musharraxiinta maanta jeedin doona khadbadaha.
Musharraxii ayaa khudbadiisa kusoo koobi doona 15 daqiiqo, Waxaana la filayaa inay socoto ilaa caawa.
Xigasho: Puntland Times