Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qaraxyo ku bilaawday oo Saakay lagu qaaday degmada Buulamareer ee Gobolka Shabeelaha.
Weerarkaan oo ay qaadeen dableey katirsan kooxda Alshabaab ayaa waxaa lagu qaaday Saldhig Ciidanka Uganda ay ku lahaayeen Degmadaasi.
Bayaan kasoo baxay Kooxda Alshabaab ayaa lagu sheegay in weerarka uu ahaa mid qorsheysan isla markaana jab xoogan lagu gaarsiiyay Ciidankii Uganda ee la weeraray.
Bayaanka kooxda ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay 137 Askari oo katirsan Ciidanka Uganda sidoo kalena maxaabiis ahaan ay ukaxaysteen tiro kale.
Waxay shabaab sheegeen in burbur xoogan ay gaarsiiyeen xerada la weeraray iyo gaadiidkii yaalay.
Halkaan ka akhriso Bayaanka kooxda.
Majiro wax hadal ah oo wali kasoo baxay Taliska ATMIS iyo Saraakiisha Amaanka ee Dowladda oo ku aadan weerarkaasi, mana jiro cid xaqiijin karta sheegashada kooxda Alshabaab.
Wixii faahfaahin oo dheeraad ah kala soco Puntlandtimes
Xigasho: Puntland Times