Istanbul (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga laga hirgeliyay xarun caafimaad casri ah oo lagu magacaabo Hud Consultancy, kaa oo qaban doona howllo caafimaad oo ay aad ugu baahan yihiin ummadda Soomaaliyeed.
Munaasabad xarigga looga jarayay xarunta Caafimaad ee Hud Consultancy ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Istanbul, waxaana ka soo qeybgalay mas’uuliyiin, ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga.
Maamulaha Shirkadda Caafimaadka ee Hud Consultancy Dr. Filsan Aadan ayaa sharraxaad ka bixisay howlaha ay bulshada Soomaaliyeed daafaha adduunka ku kala nool ay u qaban doonaan iyo ujeeddada ay u fureen xaruntaas casriga ah ee la talinta caafimaadka. Hoos ka Daawo Muuqaalka Munaasabadda:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com
Xigasho: HalQaran