Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Maanta

Waa kuma Ninka haya ‘Furaha Kacbada’ ee uu qoyskiisa ku wareejiyay Nebi Muxammed NNKH?

May 12, 2022
gudaha Wararka Maanta
58 4
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Makkah (Halqaran.com) – Sheikh Saleh Al Shaiba waa qofkii 108-aad iyo tafiirtii Cuthmaan ibn Talxa (RC) oo Nebi Muxamed NNKH uu dhiibay furaha Kacbada una ballan qaaday ilaalinta kacbada qarniyaha soo socda, Sida lagu baahiyay bogga rasmiga ee Xaramayn Shariifayn.

Al-Shaibi waxa uu ku dhashay magaalada Makkah, waxa uuna shahaadada doctorate ka qaatay culuunta Islaamka. Waxa u horay u soo noqday bare jaamacadeed, waxaanu soo saaray buugaag badan oo ka hadlaya diinta iyo taariikhda Islaamka.

Sheekh Salah Al Shaiba / HARAMAIN SHARIFAIN

Saleh Al-Shaibi waxa uu noqday sii hayaha furaha Kacbada sanndkii 2013 ka dib markii adeerkiis Abdulqader Taha Al-Shaibi uu geeriyooday.

Muqaal laga soo duubay sheekh Saleh al-Shaiba ayaa lagu soo bandhigay furayaasha Kacbada, ee albaabka Tawba ee sahlaya in la galo saqafka Kacbada iyo Maqam Ibraahim.

Waxa uu sheegay in furaha uu ka samaysan yahay bir, dhererkiisuna yahay 35 sentimitir. Waa la beddelay oo la casireeyay dhawr jeer qarniyadii la soo dhafay oo dhan. Maanta furaha iyo qufulka Kacbada waxaa laga sameeyay nikkel oo lagu dhejiyay dahab 18-carat ah halka Kiswah-da gudaha ama gogosha Kacbada ay tahay cagaar.

Al-Zulfah wuxuu sheegay in qaabka furaha la bed-bedelo had iyo jeer. Dalka Turkiga waxa ku yaala madxaf ay yaallaan 48 furo oo kacbada lagu furi jiray laga soo bilaabo dawladii Cusmaaniyiinta, halka Sucuudiga ay yaalaan laba nuqul oo furahaasi ah oo ka samaysan dahab saafi ah.

Furaha Kacbada / HARAMAIN SHARIFAIN

Furaha Kacbada Barakeysan ayaa ah mid ay gacanta ku hayaan dad gaar ah oo uu Nabi Muxamed NNKHA u dhiibay, waxaana loo yaqaanaa dadkaasi gacanta ku haya furaha Kacbada Sudnat Al-Kacba.

Sudnat Al Kacba waa Qoys uu Nabi Muxamed NNKHA u dhiibay Furaha Kacbada waxaana qoyskaasi ay ka soo jeedaan Banu Shayba, furaha kacbada ayaa waxay gacanta ku hayaan muddo 16 qarni ah.Reer Banu Shayba oo haatan loo yaqaano Aal-Shayba ayaa waxay tafiir ahaan ka soo jeedaan Qusay Bin Kilaab Bib Murra, Qoyskii Qusay Bin Kilaab ayaa gacanta ku hayn jiray Furaha Kacbada Islaamka ka hor.

Axmed Adan Dagaal (Axmed Safiina) oo ka faalooda taariikhda islaamka ayaa BBC Somali u sheegay: “Wakhtigii Nebigu dhashay beelaha Qureysh shaqada Xaramka way u qaybsanayd”.

“Reer Banii Haashim oo uu Nebigu ka dhashay waxay lahaayeen oo ay hayeen furaha ceelka Zamzamka iyo waraabinta xujayda oo loo yaqaanay (Al-Siqaaya). Furaha Kacbadan waxa hayay beesha reer Baniishayba,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray: “Furahaasi waxaa hayay ninkii beesha u waynaa oo la odhan jiray Cusmaan ibnu abii-Dalxa. Waxa jirtay qiso dhex martay isaga iyo Nebi Muxamed (nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) wakhtigii ay diinta Islaamka cusbayd. Wuxuu Nebigu ka dalbay inuu Kacbada u furo wuuna u diiday, markaas ayuu nabigu ku yidhi ‘waxa imaan doonta maalin aan kaa qaado’.”

Dhawr iyo toban sanno ka dib sannadkii Muslimiinta ay qabsadeen Makah, ayuu Nebiga ka qaaday furihii kacbada odeygii hayay, wuuna furay ka dibna waa la nadiifiyay.

Furaha kacbada, nabiga kama wareejin reer Banuu Shayba oo illaa iyo hadda haya, waxayna furaan xilliyada la nadiifinayo.

Reerkaas ayaa masuul ka ah waxa loo garanayo ‘Sudnah’ taa oo micneheedu yahay daryeelka guud ee kacbada iyo furidda iyo xiriddeeda.

Sida dhaqanka ah, furaha waxaa haynaya qofka ugu da’da wayn reerkaas ee Banuu Shaybah.

“Furaha Kacbada waa muhiim, taariikh ahaan iyo diin ahaanba. Wuxuu furaha leeyahay kiish u gaar ah oo la geliyo oo ay hayaan reerkaas iyo Golaha Shuurada,” sida uu sheegay Dr Maxamed al-Zulfah oo la hadlay Al-Carabiya.

Al-Zulfah oo ku takhasusay taariikhda Islaamka, wuxuu sheegay in qaabka furaha uu is bedledelo. “Madxaf ku yaalla Turkiga waxaa yaallo 48 fure oo la uruurinayay tan iyo boqortooyadii Cusmaaniyiinta, halka Sacuudiga uu hayo Laba fure oo koobi ah oo dahab laga sameeyay.Qoyskaasi ayaa sidoo kale had iyo jeer ka shaqeeya nadiifinta Kacbada waxaana kacbada la nadiifiyaa laba jeer sanadkii, waxayna labadaasi jeer kala yihiin kowda Bisha Shacbaan iyo 15ka bisha Muxaram.

Xigasho – BBC Somali

@HalQaran News Desk 

Xigasho: HalQaran

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Maanta

Somali leaders’ political agreement faces opposition from former Prime Ministers, politicians

May 28, 2023
Wararka Maanta

Xasan Sheekh oo ammaanay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran

May 28, 2023
Wararka Maanta

MD Xasan Sheikh oo dalka geliyay Jawi siyaasadeed oo halistiisa leh. – Puntland Times

May 28, 2023
Wararka Maanta

DF oo markii ugu horreysay ku guuleysatay diyaarinta ciidan qalabeysan oo gaaraya… – Allbanaadir.com | Warar Sugan | Xigasho Iyo Xaqiiq ku Salaysan | Waa Astaanta Allbanaadir Media

May 28, 2023
Wararka Maanta

Museveni oo canaan kulul kala dul dhacay ciidamadii looga laayay weerarkii Buula-mareer

May 28, 2023
Wararka Maanta

ATMIS trains Somali forces on child protection ahead of troop withdrawal

May 28, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • US Africa Command launches strike against al-Shabaab militants

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Somali forces capture four al-Shabab members, kill one leader

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • ATMIS to withdraw 2,000 troops from Somalia

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • QM oo war kasoo saartay weerarkii lagu qaaday xerada ATMIS ee Buulo-Mareer – Allbanaadir.com | Warar Sugan | Xigasho Iyo Xaqiiq ku Salaysan | Waa Astaanta Allbanaadir Media

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Safaaradda Maraykanka oo ka cabatay bahdil ay u gaysteen ciidamado Soomaaliyeed

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Somali leaders’ political agreement faces opposition from former Prime Ministers, politicians

May 28, 2023

Xasan Sheekh oo ammaanay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran

May 28, 2023

Ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka oo ka hadlay warkii ka soo baxay Golaha wadatashiga qaran

May 28, 2023

Man City Oo Jeebka Ku Shubanaysa Lacag Waali Ah Kadib Ku Guulaysiga Premier League Xilli Chelsea Iyo Liverpool Wajahayaan Khasaare Weyn.

May 28, 2023

MD Xasan Sheikh oo dalka geliyay Jawi siyaasadeed oo halistiisa leh. – Puntland Times

May 28, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

DF oo markii ugu horreysay ku guuleysatay diyaarinta ciidan qalabeysan oo gaaraya… – Allbanaadir.com | Warar Sugan | Xigasho Iyo Xaqiiq ku Salaysan | Waa Astaanta Allbanaadir Media

May 28, 2023

Kulan sharafeed loo sameeyay Edna Aadan oo Abaal-marin Caalami ah kusoo guuleesatay (Sawirro)

May 28, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Museveni oo canaan kulul kala dul dhacay ciidamadii looga laayay weerarkii Buula-mareer

May 28, 2023

ATMIS trains Somali forces on child protection ahead of troop withdrawal

May 28, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.