May. 26 (Jowhar.com)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruse oo booqasho ku tagay Moscow ayaa la kulmay dhiggiisa Ruushka Sergei Lavrov.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iyagoo kala saxiixday heshiis iskaashi ku dhisan is-qadarin iyo wax wada qabsi.
Related Posts
Shabaab oo sheegatay in askar Uganda ah oo nool ay ku…
Goorta lagu dhawaaqayo natiijada doorashada golayaasha…
“Waxaan maanta kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Moscow, Russia oo aan booqasho rasmi ah ku tegey wasiirka Arrimaha Dibedda ee waddanka Ruushka Mudane Sergey Lavrov, waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa una ahaan lahaa mid mar walba ku dhisan Iskaashi, is-qadarin iyo wax wada qabsi” ayuu ku yiri wasiirka qoraal uu ku daabacay Facebookiisa.
Xigasho: Jowhar