Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo xalay gaaray dalka Uganda ayaa lagu wadaa in uu tababar u soo xiro maanta ciidamo gaaraya 2500 oo askari, kuwaas oo dalkaas la geeyay bishii November ee sanadkii 2022dii.
Ciidamada ayaa waxaa Uganda tababarka u geeyay dawladda Imaaraatka Carabta, iyagoo qeyb ka ah heshiis ay dawladda Madaxweyne Xassan Sheekh la gashay Dubai, kaas oo saldhigyo milateri iyo ciidamo uga sameysanayo Soomaaliya.
Sida ay sheegtay Villa Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa u fiirsan doono tayada tababarka ciidamadan la siiyey, xili ay 90 maalmood qaateen tababaro asaasi ah, todobaadka dambe-na dib loogu celinayo Soomaaliya.
Doorka ay ciidankan ku leedahay DFS ayaa ah in Shirkadaha qaatay sahay-siintooda ay leeyihiin xubno katirsan Qoyska Madaxweynaha.
Ciidanka ayaa qeyb ka ah 17kun Askari oo ay Imaaraatka ka qoranayaan Soomaaliya, laguna tababarayo Uganda, Itoobiya, Masar, Urdun iyo gudaha dalka, dhammaan dalalkan heshiiska waxaa lagalay Imaraatka oo dhaqaalaha bixinaya, ciidamana ay ABU DHABI ka amar-qaadanayaan.
Xigasho: Puntland Times