May. 27 (Jowhar.com)-
Labada dhinac ee isku haya Suudaan ayaa laga yaabaa in ay geysteen dambiyo dagaal kadibmarkii ay weerareen xarumaha caafimaadka iyo shaqaalaha, sida lagu sheegay cadeymo ay aragtay BBC News Arabic.
Isbitaallada ayaa lagu garaacay duqeymo cirka ah iyo madaafiic iyadoo bukaannada ay weli ku sugan yihiin dhismaha waxaana sidoo kale dhakhaatiirta si gaar ah loogu bartilmaamedsaday weerarrada – kuwaas oo dhammaantood ah dembiyo dagaal.
Sida ay sheegeen ururka dhakhaatiirta Suudaan,kaliya tiro yar oo ka mid ah 88-ka isbitaal ee ku yaalla caasimadda Khartoum ayaa weli furan ka dib toddobaadyo dagaal socday.
BBC-da ayaa adeegsatay xogta dayax-gacmeedka iyo aaladaha khariidadaha, waxayna la hadleen daraasiin dhakhaatiir ah, si ay u dhisaan sawirka sida isbitaallada iyo rugaha caafimaadka dagaalada u saameeyeen.
Xigasho: Jowhar