Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Maanta

Xasan Sheekh oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya

May 15, 2022
gudaha Wararka Maanta
61 1
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Muqdisho — 

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, muddada afarta sano ah ee soo socota kadib doorasho qaadatay in ka badan 10 saac oo ka dhacday Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa wareeggii saddexaad ee doorashada kaga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ah madaxweynihii kursiga ku fadhiyey.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 214 cod, halka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 110 cod. Waxaa hallaabay saddex cod.

Xasan Sheekh ayaa horey madaxweyne ugu soo noqday Soomaaliya 2012 illaa 2017, markaasi oo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kaga adkaaday doorasho dhacday 7-dii Febraayo 2017.

Doorashadii ka dhacday Teendhada Afisyoone 15-kii May 2022, ayaa waxaa ku tartamay 34 musharax oo ka mid ah 39 musharaxa oo markii hore isku diiwaan-geliyey doorashada, balse ay shan ka hareen.

Wareegga labaad ee doorashada ayaa waxaa u gudbay Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 65 cod, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo helay 59 cod, Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 52 cod, iyo Xasan Cali Kheyre uu helay 47 cod.

Waxaa kadib wareegga labaad ugu cod batay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayada oo ay hareen Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 110 cod, halka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kusoo xigay uu helay 83 cod. Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre ayaa kala helay 68 cod iyo 63 cod, sida ay u kala horreeyaan, waxaana sidaas wareegga ugu dambeeya ku gaaray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay inay codeeyeen 329 xildhibaan oo isugu jiray xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare.

Codeyntan oo dib u dhacday muddo ka badan sanad sababo la xiriira khilaafaad siyaasadeed, ayay qasab ahayd in la qabto bishan si ay u sii soocto lacag dhan 400 milyan oo dollaar oo sanduuqa lacagta adduunka ee IMF uu siiyo dowladda Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu 1955-kii ku dhashay degmada Jalalaqsi ee bartamaha gobolka Hiiraan.

Xigasho: VOA Somali

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Maanta

Pitfalls of the Proposed Presidential System

June 6, 2023
Wararka Maanta

Baarlamanka Ontario oo ansixiyey sharci Soomaalida u danaynaya

June 6, 2023
Wararka Maanta

Saddex qodob oo la dul-dhigay Beelo ku dagaalamay xuduudka Puntland & Galmudug – Puntland Times

June 6, 2023
Wararka Maanta

Police probe ‘strange’ ransom demand in Ciku Muiruri’s abduction case

June 6, 2023
Wararka Maanta

Somaliland oo shaacisay xilliga la qaadayo imtixaanka shahaadiga

June 6, 2023
Wararka Maanta

AKHRISO:- Gudoomiyaha Baarlamaanka S/Land oo lagu eedeeyay 4qodob oo ku saabsan xaqiiqda Dagaalka Laascaano – Puntland Times

June 6, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Faahfaahin:- Caruur ay dhaleen Nabadoono caan ah oo xalay Muqdisho lagu laayay. – Puntland Times

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Police probe ‘strange’ ransom demand in Ciku Muiruri’s abduction case

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Dissent on ICG Statement on the Fighting at Las Anod

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Xog:- RW. Xamse oo Xafiiskiisa ka sameeyay Talaabo Jawaab u ah Dacwadii halista badneyd ee USA. – Puntland Times

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Mogadishu court fines 36 foreign fishers convicted of illegal fishing in Somali water

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Wakiilka QM ee Somalia oo kulankii ugu horeeyey la yeelatay Souef M. El-Amine (Sawirro)

June 6, 2023

Pitfalls of the Proposed Presidential System

June 6, 2023

Baarlamanka Ontario oo ansixiyey sharci Soomaalida u danaynaya

June 6, 2023

Gundogan, Kane, Lewandowski, Ugarte, Caicedo, Mac Allister, Haalad & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

June 6, 2023

Saddex qodob oo la dul-dhigay Beelo ku dagaalamay xuduudka Puntland & Galmudug – Puntland Times

June 6, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Xogta kulan dhexmaray Wasiirka Difaaca Somalia & Jen. Fayad Al-Ruwaili (Sawirro)

June 6, 2023

Police probe ‘strange’ ransom demand in Ciku Muiruri’s abduction case

June 6, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Somaliland oo shaacisay xilliga la qaadayo imtixaanka shahaadiga

June 6, 2023

Goorma Ayaa La Soo Saarayaa Jadwalka Prmeier League Xilli Ciyareedka 2023/2024.

June 6, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.