Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Maanta

Xassan Sheekh Maxamuud oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya

May 15, 2022
gudaha Wararka Maanta
60 2
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Muqdisho:-Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, muddada afarta sano ah ee soo socota kadib doorasho qaadatay in ka badan 10 saac oo ka dhacday Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa wareeggii saddexaad ee doorashada kaga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ah madaxweynihii kursiga ku fadhiyey.

Xasan Sheekh ayaa horey madaxweyne ugu soo noqday Soomaaliya 2012 illaa 2017, markaasi oo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kaga adkaaday doorasho dhacday 7-dii Febraayo 2017.

Doorashadii ka dhacday Teendhada Afisyoone 15-kii May 2022, ayaa waxaa ku tartamay 34 musharax oo ka mid ah 39 musharaxa oo markii hore isku diiwaan-geliyey doorashada, balse ay shan ka hareen.

Wareegga labaad ee doorashada ayaa waxaa u gudbay Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 65 cod, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo helay 59 cod, Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 52 cod, iyo Xasan Cali Kheyre uu helay 47 cod.

Waxaa kadib wareegga labaad ugu cod batay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayada oo ay hareen Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 110 cod, halka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kusoo xigay uu helay 83 cod. Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre ayaa kala helay 68 cod iyo 63 cod, sida ay u kala horreeyaan, waxaana sidaas wareegga ugu dambeeya ku gaaray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay inay codeeyeen 329 xildhibaan oo isugu jiray xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare.

Codeyntan oo dib u dhacday muddo ka badan sanad sababo la xiriira khilaafaad siyaasadeed, ayay qasab ahayd in la qabto bishan si ay u sii soocto lacag dhan 400 milyan oo dollaar oo sanduuqa lacagta adduunka ee IMF uu siiyo dowladda Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu 1955-kii ku dhashay degmada Jalalaqsi ee bartamaha gobolka Hiiraan.

VOA



Xigasho: Halgan

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Maanta

Khamiis, Feb 2 , 2023-Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay waddamada ugu musuq maasuqa badan sanadkii 2022

February 2, 2023
Wararka Maanta

Khamiis, Feb 2 , 2023-Isimada shirku Laascaanood uga socdo oo ka hadlay dhexdhexaadinta madaxweynaha Jabuuti

February 2, 2023
Wararka Maanta

Iran oo ku eedaysay Israa’iil weerar lagu qaaday dalkeeda, kuna hanjabtay inay ka falcelinayso

February 2, 2023
Wararka Maanta

Minister of Environment and Climate Change of Somalia Khadija Mohamed Almakhzoumi to visit Finland

February 2, 2023
Wararka Maanta

Sheekada maxbuus laga sii daayey Guantanamo Bay oo ay hore jidh-dil u geysatay CIA

February 2, 2023
Wararka Maanta

No more dirty water for families in Somali Region’s Limay-bari district

February 2, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Mareykanka iyo Galmudug oo ka wadahadlay ‘xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-shahaab’

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Dagaalyahano ka soo goostay Al-shabaab oo isku dhiibay ciidanka DF ee Xarardheere (Sawirro)

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • 4 Askari oo saaka lagu toogtay Muqdisho – Puntland Times

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Arrintii shalay dhacday oo muujisay isbeddelka mabda’ ee Xasan Sheekh iyo kooxdiisa

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Daawo: Al-Shabaab oo la shaaciyey inay gaajo ugu dhimanayaan HirShabeelle

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Madaxweyne Deni oo kormeeray Taliska Guud Ciidamada illaalada Xeebaha Puntland.

February 2, 2023

Khamiis, Feb 2 , 2023-Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay waddamada ugu musuq maasuqa badan sanadkii 2022

February 2, 2023

Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka Ka Hor Kulanka Wolves.

February 2, 2023

Geele oo Soomaalida u magcaabay Isim

February 2, 2023

Khamiis, Feb 2 , 2023-Isimada shirku Laascaanood uga socdo oo ka hadlay dhexdhexaadinta madaxweynaha Jabuuti

February 2, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Iran oo ku eedaysay Israa’iil weerar lagu qaaday dalkeeda, kuna hanjabtay inay ka falcelinayso

February 2, 2023

Real Madrid Oo Guul Ay U Qalantay Ka Gaadhay 10 Xiddig Oo Valencia Ah.

February 2, 2023

Doorashada Tifaftiraha

(Daawo Sawirro) Ninkii isku qarxiyey Masjidka Peshawar oo ay qabatay kaamerada qarsoon

February 2, 2023

Minister of Environment and Climate Change of Somalia Khadija Mohamed Almakhzoumi to visit Finland

February 2, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.