Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Maanta

Xog: Dagaalkii Farmaajo iyo Kheyre ee Teendhada Afisyoone iyo sida Farmaajo looga aarsaday

May 16, 2022
gudaha Wararka Maanta
58 4
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Muqdisho (Allbanaadir Media) – Waxaa shalay Muqdisho ka mid mid ah doorashooyinkii ugu xiisaha badnaa ee loogu tartamayey xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, waxaana mar kale xilkaas loo doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa ka adkaaday saddexdii musharax ee kale ee lasoo gudbay wareegii koowaad ee doorashada kuwaas oo kala ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre.

Waxyaabaha laga diiwaan geliyey doorashadii xalay ayaa waxaa ka mid ah in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu diiday inuu tanaasul u sameeyo Xasan Cali Kheyre oo Ra’iisul Wasaare u ahaa saddex sano iyo bar oo ka mid ah shantii sano ee uu xukunka hayey, sida ay ogaatay Allbanaadir Media.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegii koowaad ee doorashada helay 59 cod, halka Xasan Cali Kheyre uu helay codad gaaraya illaa 47 cod.

Xasan Cali Kheyre iyo kooxdiisa ololaha ayaa markii uu dhammaaday wareegii koowaad waxay kulan la yeesheen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoo ka codsaday inuu tanaasul u sameeyo, ayaga oo u sheegay inuusan rajo badan laheyn, islamarkaana uu codadkiisa ku taageero Kheyre, si uu u gaaro wareegga saddexaad.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la tashi la sameeyey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu dambeyn ku gacan sayray codsiga Kheyre, wuxuuna Farmaajo ku adkeystay inuu tartami doono wareegga labaad.

Kheyre ayaa la rumeysan yahay inuu wareegga Sedexaad usoo gudbi lahaa haddii uu taageero ka heli lahaa kooxdiisii hore ee Nabad iyo Nolol, balse waxaa muuqatay in kooxdaas aysan aqbali karin inay arkaan Kheyre oo dalka madaxweyne ka ah, iyagana ay dibad joog ka yihiin.

Go’aanka uu qaatay Farmaajo ayaa ugu dambeyn sabab u noqday inuu fursad weyn helo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka faa’idestay tanaasul la’aanta ka dhacday natiijada wareegii koowaad.

Saddexda musharax ee uu wajahay Xasan Sheekh, waxaa la rumeysan yahay in Kheyre uu noqon karo musharaxa ugu loolanka adag.

Si kastaba, Xasan Cali Kheyre ayaa markiisa ka aarsaday Farmaajo markii ay isku soo hareen isaga iyo Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna inta badan codadka taageerayaashiisa  u wareejiyey dhanka Xasan si loo reebo Farmaajo.

Kheyre iyo Farmaajo ayaa kala tagay waqtigii dalka loo diyaarinayey doorasho kadib markii uu Kheyre ka horyimid, sida uu rabo Farmaajo in doorashada loo wajaho, waxaana xilligaas la rumeysnaa inuu Kheyre yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, waana taas sababta in si aan dastuurka waafaqsaneyn xilka looga qaaday.

Kheyre wuxuu shalay muujiyey wacadro isaga oo helay codad ka badan intii la filayey, wuxuuna u muuqdaa inuu leeyahay mustaqbal ifiya, haddii uu isa sii dhiso afarta sano ee soo socota.

Source link

The post Xog: Dagaalkii Farmaajo iyo Kheyre ee Teendhada Afisyoone iyo sida Farmaajo looga aarsaday appeared first on Allbanaadir Media.

Xigasho: Allbanaadir Media

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Maanta

Isniin, Jan 30, 2023-Wasiiradda Gaashaandhiga dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo Muqdisho ku kulmay

January 30, 2023
Wararka Maanta

Isniin, Jan 30, 2023-Dowladda Soomaaliya oo waxbarasho siinaysa carruurta ku nool degaanada laga xoreeyay Alshabaab

January 30, 2023
Wararka Maanta

Mareykanka oo dhex dhexaadinaya Israa’il iyo Falastiin iyadoo dilal badan ay dhowaan dhaceen

January 30, 2023
Wararka Maanta

Isniin, Jan 30, 2023-Maxkamadda ciidamada oo 8 sano oo xabsi ah ku xukuntay xaaska horjoogaha Daacish ee Soomaaliya

January 30, 2023
Wararka Maanta

Maxay salka ku haysaa doodda mucaaradka Kenya?

January 30, 2023
Wararka Maanta

Dhallinyaro si qaldan u isticmaashay Tiktok oo lagu xiray Dalka Masar

January 30, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Kooxo hubeysan oo caawa weerar culus ka geystay saldhig ku yaalla Muqdisho

    77 saamiyo
    La wadaag 31 Tweet 19
  • Russian helicopter fired upon at Mogadishu Airport

    75 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Somalia says 136 Al-Shabab members killed in operation

    85 saamiyo
    La wadaag 34 Tweet 21
  • Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Muqdisho

    77 saamiyo
    La wadaag 31 Tweet 19
  • Before a secret raid on an ISIS leader’s mountain cave complex, US forces ran the mission at a special recreation of the target Area

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Isniin, Jan 30, 2023-Wasiiradda Gaashaandhiga dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo Muqdisho ku kulmay

January 30, 2023

Isku Aadka Wareega 16-ka FA Cup-ka Oo La Soo Saaray

January 30, 2023

Mareykanka oo shacabkiisa uga digay iney booqdaan 19 dal iyo Somalia..

January 30, 2023

Isniin, Jan 30, 2023-Dowladda Soomaaliya oo waxbarasho siinaysa carruurta ku nool degaanada laga xoreeyay Alshabaab

January 30, 2023

Arsenal Oo Badalka Moisés Caicedo Ka Heshay Chelsea.

January 30, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Bankiga Adduunka oo saddex arrin ku amaanay Maamulka Taliban ee dalka Afghanistan

January 30, 2023

Xaadoole oo shaaciyey ninka keenay qorshihii Sh/Dhexe looga saaray Al-Shabaab

January 30, 2023

Doorashada Tifaftiraha

US intensifies engagement in Somalia

January 30, 2023

Mareykanka oo dhex dhexaadinaya Israa’il iyo Falastiin iyadoo dilal badan ay dhowaan dhaceen

January 30, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.