Puntlandtimes(Muqdisho) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa amray in shaqada laga joojiyo, isla markaana loo diro Baaritaan uu kusoo marayo Xarunta Dambi Baarista ee (CID), Agaasimihii Habmaamuuska xaafiisiisa.
Sida Xogta Puntlandtimes heshay ay tilmaanayso, talaabadaan ayaa jawaab u ah, dacwo iyo cabasho dhawaan kasoo yeertay Safaarada Mareykanka ee Muqdisho.
Sida aan horay idiin kula wadaagnay, Safaaradda ayaa ka ashtakootay Ficil ay ku kaceen ilaalada Ra’iisal Wasaaraha maalintii ay dhacaysay, xafladii lagu sagootinayay Danjiraha xafiiska kasii tagaya ee Mareekanka ujoogay Somalia.
Agaasimaha shaqada kaga joojiyay ee Cabdullaahi Shariif Cabdi, oo kasoo jeeday gobalka Gedo, ayaa ahaa xubnaha ka shaqeynayay xaafiiska Ra’iisulwasaaraha ee bilowgii la magacaabay, waxaana baaritaan kufuridan ay kusoo aadaysaa xili uu jiray khilaaf kala dhaxeeya qaar kamid ah xubnaha ehelka Ra’iisulwasaaraha ee ay xaafiiska ka wada shaqeynayeen.
Safaarada Mareykanka ayaa ka cabatay ilaalada Ra’iisulwasaaraha iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, balse Mr, Xamse ayaa qaatay go’aanka ah in kiiska lagu kaliyeelo Madaxiisa Hab-maamuuska, iyadoo is heysiga kooxeysan ee gudaha xaafiiska Ra’iisulwasaaruhu aad usoo kordhiyey mudooyinkii u dambeeyey.
Puntlandtimes
Xigasho: Puntland Times