Puntlandtimes(Muqdisho) Xogo wata Cadeymo rasmi ah oo ay heshay Puntlandtimes ayaa muujinaya in xad gudub uu ka dhacay gudaha safaaradda Mareekanka ee Muqdisho.
Xad gudubkaan ayaa dhacay maalintii Muqdisho ay ka dhacaysay Xafladii sagootinta Safiirkii Dowladda Mareekanka ujoogay Muqdisho ee uu waqtiga ka dhamaaday.
Sida xogtu tilmaamayso Xad gudubka waxaa geystay Askar katirsan Ilaalada Raiisal wasaaraha Somalia Xamse Cabdi Barre iyo ciidan kale oo iyagana ilaalo u ahaa Madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen”.
Ilaalada labada Masuul ayaa aflagaado iyo Handadaad u geystay ciidamo gaar ah oo sugayay amniga xarunta safaaradda.
Safaarada Maraykanka ee Muqdisho ayaa arintaan Cabasho ka keentay, waxaana warqad kasoo baxday Safaaradda loo gudbitay Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya.
Warqadda Cabashada ee kasoo baxday Safaaradda Mareekanka ayaa lagu xusay in Ilaalada Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay Handadaad iyo aflagaado u geysteen ciidamada amniga xarunta Safaarada Maraykanka, maalintii laqabanayey xaflada sagootinta safiirkii hore ee USA.
Puntlandtimes ayaa heshay nuqul kamid ah Warqadda Safaaradda kasoo baxday ee loo diray Wasaaradda Arimaha Dibadda Somalia taas oo aan idiin la wadaagayno.
Halkaan Hoose ka akhriso Warqadda oo ku qoran Luqadda Englishka laguna socodsiiyay Wasaaradda Arimaha Dibadda Somalia
Puntlandtimes
Xigasho: Puntland Times