Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dawladda Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay xubno kamid ah maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab.
Xubnaha xukunka lagu fuliyay oo lagu helay in ay fuliyeen qaraxyo iyo dilal, ayaa waxaa kamid ahaa:
1-Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow).
2-Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego).
3- Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhaqtar Fanax).
Tan iyo markii uu xukunka la wareegay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, waxaa kordhay fulinta xukunada xubnaha Alshabaab ee lagu riday dilka toogashada ah.
Xigasho: Puntland Times