Xiddigii hore ee kooxaha Arsenal iyo Tottenham ee Sol Campbell ayaa saadaaliyay kulanka adag ee ay caawa isaga hor iman doonaan kooxaha Tottenham iyo Arsenal ee ka tirsan premier League.
Labada kooxood ee Tottenham iyo Arsenal ayaa isaga hor iman doona kulan adag oo ay ku tartamayaan kaalinta loogu soo boxo champions league xilli ciyaareedka dambe.
Sol Campbell ayaa saadaaliyay in ay Arsenal talaabo u qaadi doonto u soo bixista champions League isla markaas labada kooxood ku kala bixi doonaan bar-baro.
Wuxuu u sheegay talkSPORT: “Waxaan u maleynayaa in bar-baro lagu kala bixi doono, waxan u malaynayaa in ay Arsenal haatan si fiican u ciyaarayso laakiin waxa ay ku ciyaaraysaa meel ka baxsan garoonkeeda”.
“Waxa uu noqon doonaa kulan aad u adag oo ay labada kooxood isku dhawyihiin waxana ay labada kooxood ku heshiin doonaan bar-baro”ayuu sii raaciyay.
Xigasho: Kooxda