Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay iska iibiso Ousmane Dembele iyo Ferran Torres xagaagan hadii ay la macno tahay in ay la soo saxiixan karaan weeraryahanka Juventus Federico Chiesa.
Horaantii bishaan, madaxweynaha La Liga Javier Tebas wuxuu sheegay in kooxda reer Catalan ay tahay inay kor u qaado 177 milyan oo euro oo iibka ah ka hor inta ayna samayn saxiixyo cusub xagaaga.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda reer Catalan, oo hogaanka u haysa horyaalka La Liga, ayaa weli lala xiriirinayaa ciyaartoy badan ka hor suuqa kala iibsiga xagaaga.
Si ay taasi u dhacdo waa in ay kooxdu iska iibiso xiddigo muhiim u ah kooxda marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.
Sida laga soo xigtay Calciomercato, Barcelona ayaa diyaar u ah inay iska iibiso xiddigaha Dembele iyo Torres marka suuqa uu dib u furmo xagaaga.
Barcelona ayaa doonaysa in ay lacagta ka soo gasha labadaas xiddig ugu dhaqaaqdo xiddiga kooxda Juventus ee Federico Chiesa.
Related
Xigasho: Kooxda