Kooxda Bayern Munich ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga kooxda Man City ee João Cancelo kaas oo ay kala wareegtay kooxda Man City.
Bayern ayaa xiddiga João Cancelo kula wareegtay qaab amaah ah oo uu kula jogi doono kooxda Bayern inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
Bayern ayaa dookh u haysata xagaaga in ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga kana bixiso lacag dhan 70 milyan oo euro.
Xiddiga João Cancelo ayaa u sheegay Pep Guardiola in uu doonayo in uu isaga tago kooda suuqa January.
Xiddiga reer Portugal ayaa kulamadii ugu dambeeyay waayay booskiisa joogtada ah ee kooxda Man City.
Xiddiga João Cancelo ayaa haatan u duulaya dalka Germany si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo kooxda Bayern Munich.
Xigasho: Kooxda