Halyeeyga Manchester United Rio Ferdinand ayaa Chelsea u saadaaliyay in ay kooxdiisii hore ee Man United ku garaacdo saxiixa weeraryahanka Napoli Victor Osimhen.
Osimhen, oo 24 jir ah ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira kana mid noqday dhamaystirayaasha ugu fiican dhinaca goolka isaga qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya kooxda Napoli xilli ciyaareedkan.
Xiddiga ayaa kooxdiisa Napoli ka caawiyay in ay hogaanka u hayso horyaalka Talyaaniga isaga oo dhaliyay 19 gool.
Weeraryahanka ayaa qaab ciyaareedkiisa ku soo jiitay kooxo badan oo waaweyn waxana la filayaa in saxiixiisa isku baacsadaan kooxo badan oo waaweyn suuqa kala iibsiga xagaaga.
Ferdinand ayaa sheegay in Chelsea ay ku guulaysan doonto saxiixa xiddiga Osimhen kana dooran doonto saxiixa xiddiga Harry kane.
“Waxaan ku qiyaasaa in Chelsea ay ku guulaysan doonto saxiixa Osimhen xagaagan, Man United waxa ay u dhaqaaqi doontaa Harry Kane, Kane ma aadi doono chelsea sabab la xidhiidha xafiiltanka ka dhexeeya chelsea iyo Tottenham”.
Related
Xigasho: Kooxda