Kooxda chelsea ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Enzo Fernandez sida ay sheegayaan wararka haatan soo baxaya.
Chelsea ayaa wadahadalo kula jirtay kooxda Benfica 24 saac ee la soo dhaafay si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Enzo Fernandez.
Saxafiga Ben Jacobs ayaa haatan xaqiijiyay in ay chelsea wali riixayso sidii ay u dhamaystiri lahayd saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Isla saxafiga ayaa sheegay in ay chelsea haatan miiska saartay dalab dhan 120 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Lacagta ay Blues miiska saartay ayaa ah mida lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga waxana ay u muuqataa in ay Benfica aqbali doonto dalabkaas.
chelsea ayaa doonaysa in ay saxiixa xiddiga dhamaystirto ka hor inta uuna suuqa kala iibsigu xidhmin maalinta bari ee salaasada ah.
Xigasho: Kooxda