Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay N’Golo Kante u gacan galiso heshiis kordhin uu ku sii joogayo Stamford Bridge.
Xiddiga reer France ayaa laf dhabar u ahaa chelsea xilli ciyaareedkan isaga oo ciyaaray 40 kulan tartamada oo dhan isla markaas dhaliyay 2 gool 5 kalena caawiye ka noqday.
Heshiiska xiddiga 31 jirka ah ee chelsea ayaa dhici doona xagaaga dambe waxana lala xidhiidhinayaa kooxda Man United kuwaas oo doonaya saxiixiisa.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Tababaraha Man United ee Erik ten Hag doonayo in uu xiddiga reer France ka dhigto saxiixiisa ugu horeeya ee suuqa xagaaga.
Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay saxafiga Ekrem Konur, chelsea ayaa qorshaynaysa in ay wadahadalo heshiis kordhin ah la furto xiddiga si ay heshiis cusub uga saxiixato.
Isla saxafiga ayaa sheegaya in ay Blues Kante u soo bandhigi doonto heshiis ilaa xagaaga 2026 ah si ay albaabka uga xidhaan Xiisaha Man United.
Xigasho: Kooxda