Erik ten Hag ayaa doonaya in Manchester United ay N’Golo Kante kala soo wareegto Chelsea xagaagan isagoo isha ku haya inuu bilaabo shaqadiisa Old Trafford.
Ten Hag ayaa Man United ugu biiray heshiis 3 sano ah waxana uu dib u dhis ku samayn doonaa kooxda iyada oo dhawr xiddig oo kooxda 1-aad ah isaga tagi doonaan kooxda.
Tababaraha ayaa haatanba bilaabay in uu maamulka Man United u sheegay bartilmaameedyada uu doonayo in uu ku dhiso kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.
Sida laga soo xigtay Daily Mirror, Ten Hag ayaa Man United u sheegay in ay u keenaan kooxda xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ee N’Golo Kante si uu ugu dhiso kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.
Ten Hag Ayaa rumaysan in xiddiga koobka adduunka ku guulaystay uu yahay xiddig ku soo baxaya qaab ciyaareedkiisa cadaadiska ah waxana uu u sheegay kooxdiisa in ay u keenaan xiddiga reer France.
Xigasho: Kooxda