Tababaraha kooxda Graham Potter ayaa qiray in uu niyad jab ka qaaday difaaca Chelsea intii lagu jiray kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen Everton.
Blues ayaa Stamford Bridge ku soo dhawaysay Everton kulan ka tirsanaa premier League waxana ay doonayeen in ay gaadhaan guushii 3-aad oo xidhiidh ah horyaalka.
Chelsea ayaa laba jeer hogaanka u qabatay ciyaarta laakiin Everton ayaa ugu dambayn hal dhibic kala baxday kulanka kadib markii ay daqiiqadihii ugu dambeeyay dhaliyeen goolka bar-baraha.
Isagoo hadlayay ciyaarta ka dib, Potter waxa uu dareemay in reer Galbeedka London ay sameeyeen wax ku filan oo ay ku badin karaan ciyaarta laakiin ay daafacu khasaariyeen kooxdiisa.
“Shaqo fiican ayaan qabanay, waan ka niyad jabsanahay goolasha nalaga dhaliyay, waxan u malaynayaa in aan si fiican u ciyaarnay si aan u helno 3-da dhibcood ee ciyaarta nasiib xumo si fiican umaanu difaacan”.
“Waxa aan luminay kubadaha labaad waliba dilinta ganaaxa dhexdeeda taasna khatar ayay nagu ahayd, si fiican ayaan u ciyaarnay laakiin hal dhibic ayaan qaadanay”.
Related
Xigasho: Kooxda