Joao Felix ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu sii joogo Chelsea muddo dheer, halkii uu ku laaban lahaa Atletico Madrid.
Intii lagu guda jiray suuqa kala iibsiga bishii January kooxda reer Spain ayaa u ogolaatay weeraryahanka boosaska badan ka ciyaari kara in uu amaah ugu biiro chelsea qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Siddeeddii kulan ee uu ku soo bilowday Premier League iyo Champions League, Felix waxa uu ka qayb qaatay hal gool oo kaliya oo uu ka dhliyay kooxda West Ham.
Si kastaba ha ahaatee, xiddiga reer Portugal ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah ilaa haatan xilli ciyaareedka.
Xiddiga Felix ayaa ku laaban doona Atletico Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan hadii ayna kooxda chelsea qaab toos ah ula wareegin xiddiga.
Arintaas ayaa ah dalabka Atletico Madrid marka la eego in heshiiska Felix ee kooxda reer Spain dhici doono ilaa xagaaga 2027.
Sida ay haatan wax yihin xiddiga 23 jirka ah ayaa ku laaban doona Atletico Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga oo aan ogayn meesha uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe.
Sida laga soo xigtay saxafiga Relevo Matteo Moretto, Felix wuxuu doorbidayaa inuu qaab toos ah ugu wareego kooxda chelsea siina joogo premier League.
Related
Xigasho: Kooxda