Dowladda ayaa lagu soo waramayaa in ay walaac ka qabto in la wareegida Chelsea aysan u dhicin sidii loo qorsheeyay iyo ka hor inta aan la gaarin waqtiga loo baahan yahay.
Bilowgii bishan ayay chelsea xaqiijisay in uu Maal-qabeenka reer Maraykan ee Todd Boehly ogolaaday in uu iibsado kooxda waliba la bilaabay waxyaabaha muhiimka ah si loo dhamaystiro heshiiska.
Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay BBC Sport, Arintaas ayaan run ahayn iyada oo Abramovich wali diidanyahay in uu iibiyo kooxda.
Warbixinta ay soo saartay chelsea ayaa sheegtay in lacagta iibka chelsea ay aadi doonto bangiyo loo sameeyay si loogu caawiyo dadka uu wax yeelada u gaystay dagaalada ka socda Ukriane.
Si kasta ha ahaatee Dawlada UK ayaa ka cabsi qabta in heshiiska iibku uuna dhamaystirmin waliba uu bur-buri karo ka hor 31 bishan May ee lagu jiro.
Liiskanka khaaska ah ee ay chelsea haatan ku shaqaynayso ayaa dhici doona 31 bishan May waxana loo baahanyahay in la dhamaystiro iibka kooxda ka hor inta ayna wakhtigaas gaadhin si ay kooxdu uga sii ciyaarto Premier League.
Xigasho: Kooxda