Xiddiga khadka dhexe ee Ilkay Gundogan ayaa ka tagi doona kooxda Man City xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Sportsmail ayaa rumaysan in xiddiga reer Germany oo ahaa saxiixii ugu horeeyay ee uu Pep Guardiola sameeyay in loo sheegay in uu raadsan karo koox cusub xilli hal sano ka dhimantahay heshiiskiisa kooxda.
Gundogan ayaa kulamo badan u ciyaaray kooxda Man City xilli ciyaareedkan isaga oo ku bilowday 20 ka mid ah 37 kulan oo premier League ah.
Xiddiga reer Germany ayaa doonaya in uu kulan walba ku bilowdo kulamada tas oo uuna ka helayn kooxda Man City marka loo eego da’diida.
Sidaas darteed Guardiola ayaa u sheegay in uu raadsan karo koox cusub marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan maadama 12 bilood ka dhimantahay heshiiskiisa.
Xigasho: Kooxda