Wakhti ayay ku qaadan doontaa Mason Mount in uu iloobo Final-kii FA Cup-ka ee ay kooxdiisu guuldarada kala kulantay Liverpool.
Xiddiga reer England ayaa khasaariyey rikoodhadii uu u laagay kooxdiisa kaas oo ugu dambayn Liverpool ku hogaamiyay Ku guulaysiga FA Cup-ka.
Xiddiga khadka dhexe ee Mason Mount ayaa rikoodh xun ku leh garoonka Wembley marka laga hadlayo Finalada uu ku ciyaaray muddo 3 sano gudohood ah.
Markii ugu horaysay ee uu Mason Mount Final ku ciyaaro garoonka Wembley ayaa ahaa mid kala baxa Loogu soo boxo premier League isaga oo u ciyaarayay kooxda Derby laakiin waxa uu guuldaro 2/1 ah kala kulmay kooxda Aston Villa.
Markii xigtay ee uu Mason Mount ku ciyaaray Final Wembley ayaa ahaa final-kii FA Cup-ka ee 2020 isaga oo u ciyaaraya chelsea laakiin waxa uu guuldaro 2/1 ah kala kulmay Arsenal.
Markii xigtay ee uu Mason Mount ku ciyaaro Garoonka England ayaa ahaa Final-kii FA Cup-ka 2021 waxana ay chelsea guuldaro 1/0 ah kala kulantay Leicester City ka hor inta uuna Xulka England la gaadhin Final-kii euro 2020 laakiin Mason Mount ayaa guuldaro kala kulmay Italy.
Sanadka 2022 Mason Mount Ayaa mar kale gaadhay Wembley iyo Final-ka FA Cup-ka laakiin waxa ay kooxdiisu guuldaro kaal kulantay Liverpool.
Isku soo wada Duuboo, Mount ayaa 6 Final Lagu garaacay Wembley kaliya 3 sano Gudohood taas oo la macno ah in ay sii socoto inkaarta Mount ee Wembley.
Xigasho: Kooxda