Tababare Jose Mourinho ayaa ka mid ah tababarayaasha ugu fiican ee soo maray taariikhda kubada cagta isaga oo soo maamulay kooxo badan oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn taariikhda.
Mourinho ayaa koobab kula guulaystay kooxaha uu soo maamulay halka uu sidoo kale soo tababaray xiddigo waaweyn oo kubada cagta ah intii uu tababaraha ahaa.
Jose Mourinho oo haatan tababare u ah kooxda Roma ayaa soo xushay shax uu ka soo xushay kooxihii uu soo tababaray iyo xiddigihii uu tababaraha u soo noqday.
Kooxda chelsea ayaa ah kooxda uu xiddigaha ugu badan ka soo qaatay Jose Mourinho isaga oo ka soo qaatay 8 xiddig.
Kooxda Real Madrid ayaa ah kooxda 2-aad ee xiddigaha ugu badan ku leh shaxda isaga oo ka soo qaatay laba xiddig kuwaas oo kala ah Ozil iyo Ronaldo.
Ugu dambayn Mourinho ayaa hal xiddig ka soo qaatay Kooxda Inter Milan kaas oo ah Halyeeyga Inter ee Javier Zanetti.
Kooxaha Man United, Fc Porto iyo Tottenham iyo waliba kooxdiisa Roma ee haatan ayaa ah kooxaha uuna wax xiddigo ah ka soo qaadan tababaruhu.
Xigasho: Kooxda