Liverpool waxaa ka maqnaan doona Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk safarka Southampton caawa iyo waliba kulanka Wolves ee Axada soo socota laakiin labada xiddig ayaa oo laaban doonaan finalka Champions League usbuuca soo socda.
Salah ayaa dhibaato gumaarka ah soo gaaray halka Van Dijk uu dhaawac jilibka ah soo gaaray intii lagu jiray finalka FA Cup, iyadoo midkoodna uusan gaarin dhamaadka ciyaarta.
Iyada oo laba kulan oo premier League ah iyo champions League final u hadhay Liverpool waxa jiray wal-wal laga qabo labada xiddig taam ahaanshohooda.
“Shaki kuma jiro in ay taam u noqon doonaan Final-ka champions League”ayuu Klopp yidhi ka hor kulanka Southampton.
“Laakiin waxa ay seegi doonaan kulamada Southampton iyo Wolves ee Axada dambe”ayuu sii raaciyay.
Dhaawacyada ayaa yimid xilli ay Reds isku diyaarinayso kulankooda ugu muhiimsan xilli ciyaareedkooda kaas oo ah Final-ka Champions League.
Xigasho: Kooxda